Maxaadan ka aqoon nolosha Pope Francis oo mar ka mid ahaan jiray ragga xoogga badan ee amniga kalaabyada ka shaqeeya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pope Francis, baadarigii ugu horreeyey ee hogaamiya kaniisadda Roman katooligga ee Latin America wuxuu ka tegey taariikh badan oo marka laga yimaado tan diintiisa sidoo kale muujinaysa inuu ahaa nin aysan dadku wax badan ka aqoon.
Magaciisa rasmiga ah wuxuu ahaa Jorge Mario Bergoglio, waxaa ku xirnaa in ka badan 12 malyan oo qof xilligii uu joogay dalkiisa Arjantiin, kuwaasoo uu u ahaa wadaad ay xushmeeyaan.
Wuxuu ku soo koray magaalada caasimadda u ah Arjentiin ee Buenos Aires.
Shaqadii kalaabka
Jorge Bergoglio waxaa xusid mudan inuu dugsiga sare ka haray, hase yeeshee wuxuu qaatay Dibloomaha Kiimikada, iyo shahaadada jaamacadda ee cilmiga diinta, ka hor intii uusan noqon macallin dhiga suugaanta iyo cilmu nafsiga.
Sida uu ku sheegay waraysi uu bixiyey 2010 markii uu 13 jir ahaa, aabihiis ayaa kala shaqeeyey sidii uu shaqo u heli lahaa, waxaana u suurto gashay inuu warshad ka noqdo nadiifiye.
Dhowr sano ka dib markii uu waraysigaas bixiyey ayuu dadka ka yaabiyey mar uu ka khudbaynayey kaniisad ku taalla Roma, halkaasoo uu ka sheegay in sidoo kale uu ka soo shaqeeyey kalaab habeenkii lagu tunto oo uu ka ahaa ragga xoogga weyn ee "edbiya" qofkii amniga ku xadgudba.
Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale uu dhulka nadiifin jiray.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taageere Kubadda cagta
Pope Francis ayaa taageere u ahaa San Lorenzo de Almagro, kooxda kubbadda cagta ee Buenos Aires, ilaa dhimashadiisa.
Waxa uu ahaa taageere kooxda ilaa yaraantiisii. Sanadkii 2014, markii San Lorenzo uu ku guuleystay Copa Libertadores, oo ah tartanka ugu weyn uguna muhiimsan ee koofur Ameerika, markii ugu horeysay taariikhda 106-sano, waxaa la weydiiyay guushii ka dib haddii taageeradiisa ay door ku leeyihiin guusha kooxda kubadda cagta. Waxa uu yiri "aad ayaan ugu faraxsanahay, laakiin ma aha mucjiso".
Kooxda ayaa sidoo kale ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee Arjantiin 2014, ka dib xubnaha kooxdu waxay guddoonsiiyeen Pope-ka funaanadda kooxda, taasoo dhabarka looga qoray 'Francisco Champion'.
Pope Francis ayaa sidoo kale la kulmay ciyaartoy badan oo kubadda cagta dheela intii uu ku guda jiray hogaamiyenimada, oo ay ku jiraan Lionel Messi iyo Diego Maradona, iyo sidoo kale xiddiga reer Sweden Zlatan Ibrahimovic iyo goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Buffon.
Dhammaan afartii kulan ee heerka sare ee kubbadda cagta Talyaaniga ee loo qorsheeyay isniinta Easter-ka ayaa dib loo dhigay kadib markii lagu dhawaaqay dhimashada Pope-ka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu jeclaa inuu gaari ku safro
Pope Francis wuxuu had iyo jeer caan ku ahaa inuu ahaa nin nolol sahlan ku nool. Waxa uu ku safri jiray gaari caadi ah
Isla markiiba ka dib markii loo doortay Pope, wuxuu fuulay bas ay la socdaan koox baadariyaal ah gurigiisa halkii uu isticmaali lahaa gaariga raaxada ee loo qoondeeyay.
Ka hor inta uusan noqon baadari, waxa uu caan ku ahaa qaab nololeedkiisa dhuuqsan ee Buenos Aires, halkaas oo uu u adeegay sidii baadari caadi ah. Wuxuu inta badan ku safri jiray bas iyo tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada, wuxuuna inta badan raaci jiray qaybta raqiiska ah ee dayaaradaha.
Baadari ahaan, waxa uu caan ku ahaa diidmada baabuurta raaxada iyo doorashada noocyada caadiga ah, sida Ford Focus ama Fiat 500L.
Wuxuu inta badan isticmaali jiray gaariga muraayadda leh ee loo yaqaano "Popemobile" si uu dadka u salaamo marka uu booqdo, laakiin ma uusan jeclayn gawaarida muraayadaha leh ee aan xabbaddu karin ee u dhexeeya isaga iyo kuwa aaminka ah. Waxa uu mar la mid dhigay "qasacadda kalluunka".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Malaayiin qof oo ku xiran barahiisa bulshada
Sanadkii 2018, Pope Francis wuxuu ugu yeeray internetka 'hadiyad ka timid Ilaah' laakiin isla markaa wuxuu sheegay inay u baahan tahay 'mas'uuliyad weyn'.
Hoggaamiyihii isaga ka horreeyay, Pope Benedict XVI, ayaa abuuray akoonka Pope ee Twitter (hadda ah X) ee 2012. Laakiin xilligii uu kaniisadda hogaaminayey Pope Francis, dadka ku xiran ayaa si weyn u koray, akoonku hadda wuxuu leeyahay ku dhawaad 50 milyan oo toos ugu xiran.
Barta Pope-ku wuxuu ku qoraa sagaal luqadood, oo ay ku jiraan Ingiriis, Isbaanish, Talyaani, Boortaqiis, Polish, Faransiis, Jarmal, Carabi iyo Laatiinka.
Qoraalladiisu waxay sidoo kale mararka qaarkood ahaayeen ilo madadaalo ah. Tusaale ahaan, markii uu hal qoraal ku isticmaalay hashtag-ka "Saints", baraha bulshada waxa ay si toos ah u fasirteen in uu ula jeeday kooxda kubbadda cagta Mareykanka, ee New Orleans Saints, kuwaas oo maaweelo u noqday taageerayaasha naadiga.
Akoonkiisa Instagram-ka waxa uu leeyahay 9.9 milyan oo taageerayaal ah. Waxa uu dhawaan sameeyay duco ah in adeegsiga 'teknoolojiyadda cusub' aysan 'beddelin xiriirka aadanaha, ixtiraamtana sharafta aadanaha, oo ay naga caawiyaan inaan la qabsanno dhibaatooyinka waqtigeenna'.