Dhegeyso: Maxaa kasoo kordhay weerarka ka dhacay xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Australia?

Qoraalka Codka, Ma aha markii ugu horreysay ee dhacdooyinka noocan ay dalkaas ka dhacaan
Dhegeyso: Maxaa kasoo kordhay weerarka ka dhacay xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Australia?

Hal qof ayaa loo qaaday Isbitaalka Royal Melbourne ee magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaas oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerar loo adeegsaday mindi oo u dhaxeeyey dhalinyaro sida la sheegay iska soo horjeeda.

Weerrakan ayaa lagu qaaday mid ka mid goobaha laga tukaameysto oo ay dadka Soomaalida ahna ku badan yihiin, waxaana falkan ka dhashay cabsi badan, booliska ayaana baaritaanka wada. Ibraahim Baafo oo ah weriye madax-bannaan oo ku sugan magaalada Melbourne ayaa inoo haya wararkii ugu dambeeyay ee weerarka.