Waa kuma xubinta Afrikada bari ku matalaya guddiga fulinta ee FIFA

Saleebaan waaberi

Xigashada Sawirka, FIFA

Sulaymaan Xasan Waaberi oo ka socda dalka Jabuuti ayaa kamid noqday xubnaha guddiga fulinta xiriirka kubbada cagta aduunka ee FIFA, ka dib doorasho ka dhacday caasimada dalka Masar ee Qaahira.

Qaarada Afrika oo uu kamid noqday xubnaheeda ayaa waxaa loo dooranayay Lix xubnood oo ka kooban Shan rag ah iyo hal qof oo dumar ah.

Ilaa 10 dal ayaa u tartamayay inay ka mid noqdaan xubnaha guddiga fulinta FIFA ee qaaradda Afrika, waxaana kasoo baxay Shan dal oo kala ah Jabuuti, Marooko, Masar, Moritaaniya Nayjer iyo qof dumar ah oo xubinta lixaad ku noqotay.

Taariikhda Kubbada cagta ee Saleebaan Waaberi

Sulayman ayaa jagooyin kala duwan oo xiriirada, kooxaha iyo maamulkaba ka soo qabtay Jabuuti iyo si guud xiriirka kubbada cagta ee Afrika (CAF), iyada oo ugu dambeyn ay u suurto gashay inuu gaaro halka ugu sarreysa ee xiriirada kubbada cagta adduunka oo ah FIFA, isaga oo ka mid noqday xubnaha guddiga fulinta ee xiriirkaasi.

''Yaraantaydii ilaa maanta kubbada cagta ayaan ku dhex jiraa, heer walba waan ka soo maray, boos kasta waan ka soo qabtay, haddii ay noqoto maamul, gudoomiyaha kubbada cagta ha noqoto, gudoomiyaasha kooxaha ha noqoto, guddiga fulinta CECAFA ha noqoto, afartii sanno ee u dambeysay waxaan ahaa gudoomiye ku xigeenka qaarada Afrika, iminkana sideed sanno ka dib CECAFA ayaa ii soo sharraxday guddiga sare ee FIFA'' ayuu yiri Sulaymaan.

Sulaymaan waxaa uu hadda yahay gudoomiye ku-xigeenka CAF oo loo doortay 12-kii Maarso, 2021 oo uu ilaa iyo hadda jagadaasi hayo, ka hor inta uusan u wareegin FIFA.

Lixda xubnood ee FIFA ku biiray

Xigashada Sawirka, FIFA

Maxay tahay shaqada xubnahan cusub FIFA ?

Xubnaha cusub ee Afrika ay ka heshay FIFA ayaa ku matali doona xiriirka kubbada cagta adduunka, iyaga oo halkaasi ka difaaci doona danaha qaaradda Afrika.

''Howlaha na loo doortay ayaa ah inaan ku matalo qaarada Afrika oo danaha qaaradda aan ka hadalo oo wixii mashaariic ah aan uga soo goyno oo aan difaacno'' ayuu yiri Sulaymaan.

Sulaymaan ayaa sheegay dalalka bariga Afrika inay tahay markii ugu horreysay oo xubin heerka guddiga fulinta ay gaaraan, dhanka Afrikana jagada uu hadda hayay uu isagu ugu sarreeyay dalalka dhaca bariga Afrika.

Jabuuti ayuu sheegay inay Sharaf u tahay heerka maanta uu ka joogo kubbada cagta oo uu ku matalayo xubnaha fulinta FIFA.

Muddada matalaada xubnaha cusub ayaa noqonaysa Afarta sano ee soo socota.

Muxuu heerka kubbada cagta Jabuuti u hooseeyaa?

Jabuuti oo uu Sulaymaan ka soo jeedo ayaa ku jirta dalalka uu hooseeyo heerkooda ciyaaraha kubbada cagta ee Afrika iyo caalamkaba.

'Jabuuti waa dal yar oo hal milyan oo qof ah, inta hibbada u leh ee laga heli karana waa yar tahay, tan kale Jabuuti sida dalalka Galbeedka Afrika kuma leh qurbajoog Yurub, annaguse ciyaartooyda Jabuuti anaga ayaa soo tababarnay, shaqadii baan ku jirnaa, horumar waxaa la gaaraa markaad horumarisid garoomadii lagu ciyaarayay'' ayuu yiri Sulaymaan.

Waxyaabaha kale ee Jabuuti ka dhiman ayuu sheegay inay ka mid tahay tababarayaasha oo markii aad soo tababaratid ay tahay in aad horumar sameyn kartid.

Sulaymaan ayaa sheegay in Jabuuti intii uu maamulka kubbada cagta ka ahaa uu ka qabtay waxyaabo badan, haddii ay dhismaha garoomada noqoto, gaar ahaan 5-ta gobol oo horyaalo ay ka sameeyeen "iyo Akadeemiyada ugu fiican Afrika oo ay ka dhiseen", mar dhowna la furi doono.

Sababaha ugu weyn ee dib u dhaca ku ah kubbada cagta Afrika ayaa Sulaymaan wuxuu sheegay inay tahay garoomada iyo akadeemiyayaasha oo Afrika ku yar, iyada oo kooxaha qaaradda aysan la mid ahayn dhanka xirfada sida Barcelona iyo Real Madrid.

Maalinta Afrika ay sameyso horumar dhanka garoomada iyo akadeemiyayaasha lagu tababaro dhalinyarada, ayna helaan maaliyad ku filan ayuu sheegay Sulaymaan inay qaaradu la tartami doonto adduunka.