Caa'isha Al-Baa'uuniya: waa taariikh nololeedkii gabadhii xifdisay qur'aanka kariimka ah iyadoo 8 jir ah

Xigashada Sawirka, AI/ DEEPAI tool
Jacaylku waa badweyn aan lahayn xeeb.
Oo waxaa jira iftiin aan mugdi ku jirin.
Jacaylku waa sir ay adag tahay in la helo.
Waxaana jira hal qodob oo ay adag tahay in la sharaxo.
kuwani waa tix ka mdi ah gabayo ay tirisay Caa'isha Al-Bacuniyah oo ku noolayd Shaam qarnigii 15-aad.
Caa'isha al-Bacuniyyah, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah taariikhyahanada mid ka mid ah mucjisooyinka waqtigeedii, waxa ay ku dhalatay Dimishiq 1456. Aabaheed, Yuusuf, waxa uu ka mid ahaa 'qoyska al-Ba'uuniyah', oo caan ku ahaa culimo, gabayaa iyo sharci-yaqaano, iyo Qaadi (Xaakim) ka aha magalada Dimishiq.
Taariikhyahan reer Falastiini ah Walid Khalidi ayaa aaminsan in Caa'isha "ay si buuxda u muujisay hibada suugaaneed iyo suufiyada qoyskeeda."
Xifdintii Quraanka iyada oo jirta 8 sano

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caa'isha iyo walaalaheed waxa barashadooda ugu horreysey ee Qur'aanka, Axaadiista, Fiqhiga, iyo gabayada waxay baray aabbahood.
Professor cilmiga fiqiga ah Emil Homerin oo qoray taariikh nololeedka Caa'isha ayaa sheegay in ay (Caasha) xifdisay qur'aanka kariimka ah iyada oo 8 jir ah.
Taariikh-nololeedkan waxa kale oo uu xoogga saaray doorkii Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee ee Caa'isha ruuxeeda, waxaana uu baaray saamaynta shakhsiyaadka ay ka mid yihiin Ibn Al-Carabi, al-Busiri, iyo Ibn Al-Farid.
Homerin waxa uu qoray in xilligii Mamluk (Boqortooyadii Mamluk ee Masar iyo Shaam ka talinaysay sannadihii 1250 ilaa 1517) Carabiga, iyo suugaanta ay aad u kobceen, culimadii iyo ardaydii dunida Muslimka oo dhanna ay u dareereen Qaahira iyo Dimishiq.
Tani waxay abuurtay fursado safar, waxbarasho, iyo shaqo. Qoraaga iyo gabayaagii Caa'isha al-Bacuniyah waxa ay sidoo kale ka gudubtay caqabado badan oo dhinaca bulshada iyo dhaqanka ah si ay u gasho saaxada barashada diinta iyo suugaanta, iyada oo dumar ah.
'Waxay Qortay in ka badan dumar kasta'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ku cad taariikh nololeedkan ku qoran afka Ingiriisiga ee Homer, Caa'isha waxay u badan tahay inay wax ku qortay Carabi in ka badan inta haween kale ka hor qarnigii 20aad.
"Suuqa caalimiyad ahaan iyo gabayaa Carbeed, qoraaladeedu waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn marka la eego halbeeg kasta oo waqtigeedii ah. Dumar badan oo Islaami ah qarniyadii dhexe waxay ahaayeen culimo iyo macalimiin la ixtiraamo, laakiin aad bay u yarayd inay soo saaraan buugaag iyaga u gaar ah.
Caa'isha al-Bacuniyah waxay qortay in ka badan labaatan buug oo malaha tiraab Carabi iyo gabayo ka badan dumar kasta oo Muslim ah ka hor qarnigii 20-aad.
Homerin waxa kale oo uu laba ka mid ah buugaagta Caa'isha ka turjumay afka Carabiga una turjumay Ingiriis. Sida laga soo xigtay isaga, helitaanka erayada Caa'isha waxay la mid tahay 'helitaanka irbad mel ku jirta'.
Homerin, oo dhintay laba sano ka hor, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay sida uu u helay qoraallada Aisha oo uu sheegay inay ahaayeen (qoraalo gacanta lagu qoray).
"Mar aan Masar tagay, waxaan ka shaqaynayey gabayo laga soo bilaabo xilligii Mamluuk, waxaan raadinayey nooc kasta oo abwaanno ah, laakiin dedaalkaygii waxa ka mid ahaa in aan helo dumar gabyaa ah, Daarul-kutub ee Qaahira, waxa aan eegayay liiska magacyada.
Waxa uu intaa ku daray in Caa'isha ay ka mid tahay dumarka suufiyada ah ee Islaamka wax ka qoray ka hor inta aan la gaarin casrigan, taasina waxa ay ina siinaysaa aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan bulshada haweenka, suufiyada Islaamka iyo guud ahaan Islaamka.
Sida uu sheegay Homer, waxay ahayd mid had iyo jeer rajo leh, had iyo jeer rumaysan naxariista Eebbe, sida gabyaagii weynaa ee Faaris Jalaaludiin Ruumi.

Xigashada Sawirka, Book Cover / The Principles of Sufism
Barashada shareecada islaamka iyo fatwada
Caa'isha waxa ay guursatay Axmad bin Muxammad bin Naqiib Al-Ashraf oo ahaa caalim ka soo jeeda qoys Dimishiq ah oo uu nasabkiisu sida Caa'isha lafteedu sheegtay uu ka soo jeedo Imaam Cali. Waxay Qaahira kula noolayd wiilkeeda Cabdulluhaab afar sano. Markii ay Qaahira ka socotay ee u socotay Dimishiq, tuug ayaa xaday alaabtii Caa'isha, oo ay ku jiraan qoraalladeeda.
Waxay gashay goob culuumta lagu barto oo Qahira ku taalla waxayna baratay fiqhiga, ama shareecada Islaamka, waxaana loo fasaxay inay barato sharciga oo ay soo saarto fatwooyin (ra'yi sharci).
"Waxay caan ku noqotay sharci yaqaanimada," ayuu yiri Devon Stewart.
Caa'isha waxa ay sidoo kale caan ku ahayd duruusteeda ku saabsan la kali noqoshada Alle iyo muhiimadda jacaylka cibaadada . Waxay ahayd qof caan ka ah dhaqanka Suufiyada ee waqtigeeda, waxayna kaalin mug leh ka qaadatay horumarinta Suufiyada Islaamka.
Hordhaca kutubta Caa'isha waxa ay daaha ka qaaday in ay aad u jeceshahay daacadnimo weyn u haysay Nebiga nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.
Muhammad Zubayr iyo Dr. Muhammad Idrees Lodhi waxay cilmi-baadhis ku sameeyeen in Caisha Al-Ba'uuniya ay tahay qofkii ugu horreeyay oo laga yaabo inay tahay haweenayda keliya ee wax ka qorta mawduucan.
Caa'isha waxay ku muujisay jacaylka diiniga ah iyo shucuurta ay u qabto Nebiga gabay aanay xataa gabyaaga waaweyn ee ragga ahi samayn karin.