Ingiriiska oo xabsiyada ka billaabaya in la dhufaano dadka kufsiga gaysta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mashruuc tijaabo ah oo lagu dhufaanayo dadka kufisga caadesyta ayaa lagu baahin doonaa illaa 20 xabsi oo dalkaas ku yaal sida ay Wasaaradda Caddaaladdu shaacisay.
Wasiirradda Caddaaladda UK Shabana Maxamuud ayaa sheegtay in qorshahan oo ah mid mutadawacnimo ah laga hirgelindoono degaamo dhaca koonfur-bari ee Ingirriska, ka dib markii qiimeyn madaxbannaan oo lagu sameeyey xukunno nuucaan ah oo horay u dhacay ay sidaas ku talaiyeen.
Wasiiradda ayaa intaas ku dartay in ay ka fikireyso sidii dhufaanka loo adeegsado kiimikada loogu baahin lahaa dhammaan dalka UK, iyo sidoo in la waajibiyo iyo in kale. Haseyeeshee ma sheegin xilli cayiman oo qorshahaas la fulinayo.
Prof Don Grubin oo ah khabiir ku takhasusay baaritaanka dhimirka ayaa sheegay in ay la tahay in dowladdu aysan meesha saarin waajibinta xukumada caynkaan ah, maadaama ay adkaan doonto in dadku iskood u qaato daawo ay aaminsan yihiin in aysan anshax ahaan habbooneyn, islamarkaana inta badandhakhaatiirtu aysan yeeleyn.
Dhufaanista kiimikeysan ayaa ah daawo iyo maan-dhayid wada socda oo la siiyo dadka qaba hamuun-gorgorka galmada, ama mayiikada xad-dhaafka ah ku riixda in ay wax kufsadaan.
Dhufaanka qaabkaan ah waxaa laga isticmaalaa qaar ka mid ah dalalka Yurub, sida Jarmalka iyo Denmark oo hanaanakan u adeegsada in lagu dhimo himadda galmo, halka Poland ay khasab ka dhigtay in dhufaanidda loo adeegsado si loo yareeyo rabitaanka saa'idka ah ee galmada.
Hindisaha lagu tijaabinayo dhufaanka kiimikeysan ee ingiriiska iyo Wales ayaa ka mid ahaa talooyin gaareysa 48 oo lagu soo jeediyey dib-u-eegistii hannaanka xukumada ee Jansalor-kii hore David Gauke, ku waas oo ku taliyey in la helo qaab cinqaabeed cusub looga kaaftoomo in dadka gala gefefka kufdiga lagu hayo xabsiyada buux dhaafay.
Wasiir Shabana maxamud oo ka hadleysay Aqalka Odayaasha UK ayaa sheegtay in ay sii kordhineyso baaritaannada loogu kuurgalayo waxtarka habkan cusub ee lagu qooq-jabinayo dadka geysta falalka kufsiga, si loo xaqiijiyo in tillaabo kasta oo la qaadayo meesheedi la dhigay. Waxayna intaas ku dartay in ay ka baaraandegeyso in dalka oo dhan si buuxda looga dhaqangeliyo dhufaanka kiimikeysan.
Dhufaanka kiimikeysan oo lagu dhex darayo daawooyinka dhimirka, ayaa la siiyaa dadka lagu helo in ay kufsi geysteen, islamarkaana weli qooqan si ay u xasilaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka qaar waxaa la siiyaa daawooyin naxuusunaya dareenkooda, halka kuwo kalena la isugu darayo daawooyin leh kiimiko loogu talogalay in ay jabiso qooqa iyo talooyin maskaxeed oo lagu dajinayo.
Warbixinta Gauke ayaa tibaaxday in 21% maxaabiista ku jira xabsiyada UK dhammaadkii Maarso 2025 ay u xiran yihiin dambiyo la xiriiro kufsi. Wuxuuna ku taliyey in la aruuriyo caddeymo ku filan adeegsiga cinqaabtan ka hor inta aan la dhufaanin qofka, si looga gaashaanto gaboodfallo lagula kaco dad aan galabsan.
Warbxintu waxay sidoo kale ka digtey in dhufaanka kiimikeysan loo adeegsado xakameynta iyo maareynta halisaha ka soo foogan dadka looga cabsi qabo in ay ku kacaan falal kufsi, islamarkaana la siiyo tiro xadidan si looga baaqsado cillado aan lagu talogelin.
Ugu dambeyntii soojeedinta Gauke waxay ku talisay in iyadoo laga shidaal-qaadanayo saameynta dhabta ah iyo midda anshax ee ka dhasha, ay lamahuraan tahay in xil weyn la iska saaro xaqiijinta danuubta iyo xeerarka cinqaabeed ee ka dhalan kara.