Wada sheekeysigii sababay fatwadii dilka Salman Rushdie

Bannaan bax looga soo horjeeday Rushdi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Salman Rushdie ayaa weli ku jira isbitaal ku yaalla Mareykanka, wuxuuna qabaa dhaawacyo "noloshiisa wax ka beddelaya" oo labo toddobaad ka hor ka soo gaaray mindi lagu weeraray isagoo ku sugan New York.

Qoraaga buugga 'Aayadaha Shaydaanka' waxa uu la kulmayay hanjabaado dil ah in ka badan 30 sano, tan iyo markii Ayatollah Khomeini-ga Iran uu ku dhawaaqay fatwo rasmi ah oo uu soo saaray caalim sharciga Islaamka bartay, taas oo soo jeedisay in la dilo Salman.

Saacado ka hor inta aan la soo saarin fatwada, kulan ayaa ka dhacay madaarka weyn ee Tehran, kaas oo u dhaxeeyay labo imaam oo reer Ingiriis ah iyo wasiir ka tirsan dowladda Iran.

Labada nin ayaa ka qayb galayay shir ka dhacayay Tehran oo lagu xusayay toban sano-guuradii ka soo wareegatay Kacaankii Islaamiga ahaa ee dalkaas. Waxay markaas isku dayayeen inay ku noqdaan UK.

Gudaha garoonka diyaaradaha, waxay isku arkeen wasiir ka tirsan xukuumadda Iran - Maxammad Khatami - oo codsaday inuu kelmad gaar ah la yeesho Kalim.

"Waxay tageen meel gees ah oo ay ku wada sheekeysanayeen," Ghayasuddin ayaa sidaasi mar dambe ku sharxi doona bandhigga dukumentiga BBC-da ee 2009, ee 'Aayadaha Shaydaanka'.

Markii uu Kalim soo noqday ayuu u faahfaahiyay waxa ay ka wada hadleen wasiirka. "Wuxuu i waydiinayay aragtidayda ku saabsan Salman Rushdie - waxaana ku iri, 'Waad ogtahay, inay tahay arrin aad u adag inay dhacdo," ayuu yiri Ghayasuddin.

Kalim ayaa u sheegay saaxiibkiisii safarka ku wehelinayay in wasiirku uu la ballansanaa hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iran, Ayatollah Ruhollah Khomeini oo markaas sidoo kale ahaa mas'uulka ugu sarreeya Muslimiinta Shiicada ah.

Dhowr saacadood ka bacdi ayuu Aayatullah soo saaray fatwada. Ma aha oo kaliya in laga soo horjeedo qoraaga 'Aayadaha Shaydaanka', laakiin sidoo kale shirkaddii daabacday, dadkii tifaftiray iyo kuwii tarjumayba.

"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Muslimiinta geesiyaasha ah, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan inay dilaan iyaga oo aan daahin, si uusan qofna ugu dhiirran hadda kaddib inuu aflagaadeeyo caqiidada muqadaska ah ee Muslimiinta," ayaa lagu yiri qoraalka.

Salmaan Rushdie

Xigashada Sawirka, Getty Images

Salman ayaa sanadkii 1988 daabacay buuggiisa muranka dhaliyay ee “Aayadaha Sheydaanka”, arrintaas oo ka careysiisay Muslimiinta, kuwaas oo u arkayay in qoraalkiisa uu yahay mid aflagaaddo ah.

Muslimiin badan ayaa ka carooday buugga Salman Rushdie, waxay sheegeen in buugga uu meel uga dhacay Rasuulka (N.N.K.H.H) iyo diinta Islaamka.

Waxaa dhacay dibadbaxyo lagu cambaareeyay weerarka ninkaan lagu qaaday oo lagu tilmaamay mid liddi ku ah xoriyatul-qowlka.

Salman waxaa loogu hanjabay dil, waxay hanjabaddaas ku khasabtay in uu galo dhuumaaleysi. Dowladda Britain ayaa si weyn u ilaalineysay ammaanka Salman.

Hindiya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee mamnuuca buuggaas, waxaana ku xigay Pakistan iyo dalal Islaam ah iyo Koonfur Afrika.

Bishii Janaayo sanadkii 1989, Muslimiinta ku sugneyd magaalada Bradford ee dalka UK, waxay gubeen buugga, halka shirkadda WHSmith ay joojisay inay soo bandhigto buugga.

Rushdie wuxuu diiday in wax aflagaado ah uu u geystay diinta Islaamka.

Magaaladii uu ku dhashay Salman, 12 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay halkaas, waxaa dhagaxyo lagu weeraray safaaradda UK ee Iran, waxaana 3 milyan oo doollar la dul dhigay madaxa Salman.

Waddamada Faransiiska, Mareykanka iyo dalal kale oo Reer Galbeed ah ayaa waxay cambaareeyeen hanjabaado dil eoo ka dhan ahaa Rushdie.

Salman, iyo Ghayasuddin labaduba waxay ku dhasheen Hindiya markii uu Ingiriisku xukumayay, waxayna degeen UK. Dhowr sano kaddib dabayaaqadii sideetamaadkii, imaamyadu waxa ay isku dayayeen in ay xiriir dhow la yeeshaan dowladda Islaamiga ah ee Ayatollah Khumeyni.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kalim inkastoo uu ahaa Muslim Sunni ah, haddana waxa uu aad ula dhacay wixii1979-kii ka dhacay Iran – oo ah waddan Muslim oo Shiico u badan. Waxa uu u arkayay kacaanku in uu Islaamka ka xoreeyay taladii Reer Galbeedka, isaga oo afgambiyay Shah oo ay Reer Galbeedku taageerayeen.

Kalim ayaa markii dambe sheegay inuu rumeysan yahay inuu "qayb ahaan mas'uul ka ahaa" fatwada.

“Waxaan garoonka kula kulmay wasiir ka tirsan golaha wasiirrada, gaar ahaan qolka nasashada ee VIP-da. Wuxuu i weydiiyay sida aan u arko buugga Rushdie ee Satanic Verses, waxaana u sheegay sida aan u arko arrintaas, wuxuuna dib ugu laabtay imaamkii [Aayatullah Khumeyni] oo kaddib soo saaray fatwada, taas oo aan u maleynayo inaan qeyb ka ahaa."

"Ma ku faanaysaa");