Dadka farxadda badan ee cid kasta la qosla oo la sheegay in wax ka si' yihiin

Xigashada Sawirka, Serenity Strull/ BBC/ Getty Images
Dadka qaba cudurka Williams Syndrome waxay ula dhaqmaan dadka ay isku cusub yihiin sidii saaxiibkoodii ugu dhowaa. Hadda, xaaladdan ayaa bixinaysa tilmaamo ku saabsan taariikhdeenna horumarka bini'aadantinimo – iyo waxa innaga dhiga bani'aadam.
Ka warran kolka waddooyinka iyo suuqa aad marayso haddaad dareento jacayl iyo soo dhawayn xadhaaf ah oo aad u qabto qof kasta oo aad la kulanto?
Waa waayo-aragnimo caadi ah oo ay leeyihiin dadka qaba Williams Syndrome (WS), tan oo ah xaalad hidde-sideed naadir ah oo saameysa qiyaastii hal qof 7,500 ee qofba.
Dadka qaba WS, oo mararka qaar loo yaqaan 'ka soo horjeedka xaaladdda autism-ka', waxay leeyihiin rabitaan dabiici ah oo ay ku doonayaan inay ku dhunkadaan ama saaxiibtinimo la yeeshaan dad aanay hore u aqoon.
Aad bay u kalgacayl badan yihiin, waana dad naxariis badan, hadal badan, oo bulsho jecel.
Waxay qof walba oo ay la kulmaan ula dhaqmaan sidii saaxiibkooda ugu dhow. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhinac xun oo la xidhiidhaa saaxiibtinimadaas xad-dhaafka ah – marar badan waxay la kulmaan dhibaato ku saabsan ilaalinta saaxiibtinimo dhow, waxayna u nugul yihiin go'doon iyo cidlo.
Sidoo kale, dadka qaba WS mararka qaar aad bay ugu furfuran yihiin dadka shisheeyaha ah, oo ma fahmaan marka ay khatar ku sugan yihiin, taasoo ka dhigaysa kuwo si fudud loo khiyaameyn karo ama loo dhibaateyn karo.
"Way sahlan tahay in qof khiyaaneeyo qof qaba Williams Syndrome oo uu ka faa'iideysto, sababtoo ah aad bay u aammin badan yihiin," ayuu yidhi Alysson Muotri, oo ah borofeessor ka tirsan cilmiga carruurta iyo daawada unugyada iyo hidaha ee Jaamacadda California, San Diego (UCSD).
"Waxay naftooda si buuxda ugu hibeyaan qof kasta iyaga oo aan kala soocin, taas oo u muuqata astaamo wanaagsan, balse dhamaadka maalinta, maskaxda bini'aadamka waxay si gaar ah u horumartay si ay u ahaato mid ka taxaddarta qof cusub. Ma ogid in qofkaas uu doonayo inuu ku waxyeelleeyo ama ku jeclaado, dadka qaba WS ma awoodaan inay kala saaraan labadaas arrimood," ayuu yidhi.
Dad aad u yar oo qaba Williams Syndrome (WS) ayaa si madaxbannaan u noolaada marka ay qaangaadhaan, waxaana badanaa ay la tacaalaan walaac (walbahaar) aad u daran.
Waxaa sidoo kale jira dhibaatooyin caafimaad oo la socda xaaladdan, sida cudurrada wadnaha, dib-u-dhac ku yimaada korriimada, iyo dhibaatooyin dhanka waxbarashada ah. Tusaale ahaan, dad badan oo qaba WS waxay leeyihiin garaad (IQ) ka hooseeya celceliska dadka caadiga ah.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, saynisyahannadu waxay si weyn u barteen xaaladdan, taas oo bixisay daaqad gaar ah oo lagu fahmi karo sida qaar ka mid ah dabeecadaha naga dhiga bini'aadam – sida naxariista, aaminka, iyo saaxiibtinimada – ay u horumarayeen ee lo fahmayey cilmi ahaan.
Ugu horreyn, bal aynu eegno xaqiiqooyin dhowr ah: Bani'aadamku wuxuu leeyahay 46 kromosoom, oo loo kala habeeyay 23 lamaane. Inta lagu jiro samayska shahwada ama ugxanta, hab lagu magacaabo 'isku-beddelid' (recombination) ayaa dhaca, taas oo keenta in xogta hidde-sideyaasha lagu kala beddesho lamaane kasta oo kromosoom ah oo is le'eg. Laakiin marka laga hadlayo WS, habkan wuu khaldamayaa, waxaana si kama' ah u lumaya qaybo buuxa oo DNA ah oo ku jiray hal nuqul oo ka mid ah kromosoomka toddobaad.
Sidaas darteed, dadka qaba WS waxaa ka maqan hal nuqul oo ka mid ah 25 ilaa 27 hidde-side (genes).
Maaddaama dabeecadaha sida kalsoonida, naxariista, iyo saaxiibtinimadu ay muhiim u yihiin badbaadada bini'aadamka, Muotri wuxuu aaminsan yahay in horumarku (evolution) uu si dhow ula socdo hab-dhiska iyo hiddesideyaasheenna.
Bani'aadamku waa noole bulsho ah, waxaana badbaadadeennu ku xidhan tahay inaan is-kaashanno oo wada shaqayno. Waa inaan awoodnaa inaan si xaddidan oo cabbir leh isugu kalsoonaano si bulshadeennu u bullaasho.