Ukraine oo sheegtay in weerar aan hore loo arag ay ku qaadday gudaha Ruushka

Xigashada Sawirka, Reuters
Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan 40 diyaaradaha wax duqeeya ee Ruushka ay weerar la beegsatay, kaasoo u muuqda kii ugu ba'naa ee ilaa iyo haatan loo geysto ciidamada cirka Ruushka.
Sida ku xusan war kasoo baxay waaxda ammaanka Ukraine, SBU, "diyaaradaha istaraatiijiga ah ee cadowga ayaa si weyn ugu gudabanat gudaha Ruushka".
Waxay sheegtay in Ukraine "ay fulineyso howlgal ballaaran oo gaar ah oo looga gol leeyahay burburinta diyaaradaha wax qarxiya ee cadowga." Waxay sheegtay in in ka badan 40 diyaaradood la beegsaday.
Waxay kusoo aadeysaa iyadoo wada-hadallo labada dhinac ah loogu ballansan yahay Istanbul, Tukriga.