window.__reverb = {}; window.__reverb.__reverbLoadedPromise = new Promise((resolve, reject) => { window.__reverb.__resolveReverbLoaded = resolve; window.__reverb.__rejectReverbLoaded = reject; }); window.__reverb.__reverbTimeout = setTimeout(() => { window.__reverb.__rejectReverbLoaded(); }, 5000);

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Maxamed Sinwar

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Muungaab oo markale loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho

    Muungaab

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Muungaab

    "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir." sida lagu sheegay daabacay boogga Facebook ee Villa Somalia

    Bogga ayaa sidoo kale lagu sheegay in xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB uu dhaqan galay dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.

  2. Ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Maxamed Sinwar

    Maxamed Sinwar

    Xigashada Sawirka, IDF

    Qoraalka sawirka, Maxamed Sinwar

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigoodu ay “ka takhaluseen” hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar, oo ka mid ahaa ragga sida weyn loo doondoonayo, isla markaana ay walaalo yihiin hoggaamiyihii geeriyooday ee kooxdaas Yahya Sinwar.

    Mohammed Sinwar ayaa ahaa bartilmaameedka weerar ballaaran oo Israa'iil ay ka geysatay barxadda iyo agagaarka isbitaalka Yurub ee ku yaalla koonfurta magaalada Khan Younis 13-kii Maajo, kaas oo ay milatariga Israa'iil sheegeen in ay burburiyeen "kaabayaasha dhulka hoostiisa" ee Xamaas ee halkaas.

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay xilligaas in 28 qof ay ku dhinteen. Xamaas lafteedu ma ay xaqiijin mana beenin geerida Sinwar.

    Yahya Sinwar, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, waxaa dilay ciidammada Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

    Israa'iil ayaa Qaza ka billowday olole milateri oo ay kaga jawaabayso weerar ay Xamaas ku qaadday xuduudda 600 maalmood ka hor, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

    Ugu yaraan 54,084 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.

  3. Janaraal Morgan oo magaalada Nairobi ku geeriyooday

    Janaraal Morgan

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Janaraal Morgan

    Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa goor- dhawaweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsanaa muddooyinkii danbe sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Punland.

    “Allaha u naxariisto General Maxamed Siciid Xirsi * MORGAN) oo goor dhow ku geeriyooday Magaalada Nairobi. General Morgan wuxuu taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Somalia. Wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish, Samir iyo iimaan dhammaan qoyska, ehelka iyo Soomaalidaba.” Ayuu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ku qoray bartiisa Facebook.

  4. Hogaamiyaha Jarmalka oo sheegay in dalkiisa uu ka caawin doono Ukraine inay sameysato gantaalada riddada dheer

    Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa sheegay in dalkiisa uu ka caawin doono Ukraine inay sameysato gantaalada riddada dheer ee cusub oo awood u leh inay garaacaan dhulka Ruushka.

    Mr Merz ayaa sheegay in heshiiska uu keenay qaab cusub oo iskaashi milatari iyo mid warshadeed. Waxa uu hadlayay ka dib markii uu magaalada Berlin kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

    Goor sii horeysay Mr Zelensky ayaa ka digay in Ruushka uu konton kun oo askari kasoo aruurinayo xadka magaalada Sumy ee dalka Ukraine.

  5. Maxay tahay sababta uu cunnada Soomaalida u jeclaaday cayaartoygan

    Cunto Soomaaliga

    Xigashada Sawirka, Instagram

    Qoraalka sawirka, Cunto Soomaaliga

    Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeedhay ciyaaryahanka reer Maraykanka ee caanka ku ah kubadda kolayga oo la yidhaahdo Jaylen Brown oo ku ku saabsan cunno-Soomaalida.

    Ciyaaryahankan oo ka jawaabayay weydiin ahayd nooca cuntada uu jecel yahay ayaa sheegay in uu xiiseeyo oo ay dookha kowaad u tahay cuntada Soomaalidu.

    "Waxa aan jeclahay cuntada Soomaalida. Waxaan leeyahay saaxiibbo wanaagsan oo Soomaali ah. Waa dookhyaga kowaad, gaar ahaan xilliyada afurka ee bisha Ramadan" ayuu yiri Jaylen Brown oo ah cayaaryahan Muslim ah.

    Maxaan ka naqaan cunto-Soomaaliga

    Bulshada Soomaalidu dhaqan ahaan waxa ay leedahay cunno-dhaqmeed la yaqaanno oo badankoodu ka kooban noocyada kala duwan ee dalagga, kuwaasi oo ay ugu magac dheer yihiin, soorta, massagada, dhigirta ama cambuulada iyo noocyo kale. Waxa jira halqabsi faafay oo ah cad iyo caano oo loo jeedo cuntada laga helo xoolaha oo muddo dheer ahaa insha ay Soomalidu nolol ahana ku tiirsan tahay. Waxaa se jira cuntooyin laga soo dhoofiyo dibadda oo ay bulshada Soomaaliyeed si maalinle ah ugu tiirsan tahay. Waa ugu horreeya bariiska iyo baastada oo aan sinaba uga maqnayn nolol-maalmeedka qofka Soomaaliga ah.

    Idil Tahliil Maxamuud waa khabiir ku takhasusay nafaqaynta waxa ay BBC-da ugu warrantay qaybaha ay ka kooban tahay noocyada badan ee la isku yidhaahdo cunno-Soomaali.

    "Cunnooyinka Soomaalida waxa ay u badan yihiin waxyaabaha ka soo baxa dhulka ee la dalagga loo yaqaan sida gallayda, magagada, qmadiga, hilibka iyo caanha. Soomaalidu waxay inta badan ugu yeedhaan cad iyo caano. Waxa kale oo ay isticmaalaan khudaarta oo ay ku jiraan, muuska iyo cambaha iyo kuwa la karsado, sida bocorka, koostada iwm. Cunno Soomaali markii la yidhaa waxa sidoo kale qofka ku soo dhacaya kalluunka." Halkan ka sii akhriso warbixinta oo dhameystiran

  6. Tobanaan qof oo ku dhaawacantay rasaas ay Israa'iil ku furtay xarun gargaar qaybin ah oo ay dad ka buuxeen

    Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in 47 qof ay ku dhaawacmeen Gaza Talaadadii markii dad badan ay buux dhaafiyeen xarun gargaar qaybin ah oo ay maamulaan koox cusub oo muran badan dhalisay oo ay taageerayaan Maraykanka iyo Israa'iil.

    Sarkaal sare ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay wali xog ururinayso, balse dhaawaca intiisa badan ay sabab u tahay rasaasta "ay soo ridayso IDF [Ciidanka Difaaca Israa'iil]".

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay 48 kalena ay dhaawacmeen.

    IDF waxay sheegtay inay hubinayso wararka. Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay "rasaas digniin ah" u rideen hawada aagga bannaanka ah ee hay'adda gargaarka bini'aadantinimo ee Gaza ee koonfurta magaalada Rafah, balse ma aysan rasaasayn dadka.

  7. Trump: "Putin dab ayuu ku cayaarayaa"

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu Ruushka ka badbaadiyay “waxyaabo badan oo xun”.

    "Vladimir Putin ma oga in haddii aysan aniga ahaan lahayn, in waxyaabo badan oo xun ay hadda ku dhici lahaayeen Ruushka," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth, isaga oo aan faahfaahin ka bixin oo dheeraad ah.

    " Dab buu ku ciyaarayaa!" – ayuu Trump intaas ku daray.

    Sanadkii hore, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu dagaalka Ukraine ku joojin doono "24 saacadood" gudahood.

    Usbuucii tegay, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan xallismi doonin ilaa isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay si fool-ka-fool ah isu arkaan oo ay si wadajir ah uga wadahadlaan.

    Isniintii, mowqifkaasi wuu isbeddelay.

    Kadib markii uu laba saacadood taleefan kula hadlay Putin, Trump wuxuu sheegay in xaaladaha heshiiska nabadeed kaliya laga wada xaajoon karo inta u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine – waxaana laga yaabaa in uu ka qeyb qaato Baadariga Vatican-ka.

    Madaxweyne Trump oo goor dambe oo Axaddii ah wariyeyaasha kula hadlayey gobolka New Jersey, ayaa sheegay in uu Putin yaqaannay muddo dheer, islamarkaana uu mar walba si fiican iskula jaanqaadi jireen, laakiin uusan la dhicin duqeymaha uu ku hayo.

    Trump ayaa goor dambe ku qoray boggiisa Social Truth in Putin "dhab ahaantii waashay".

  8. Hoggaamiyaha darbijiifka ahaa ee saddex madaxweyne iyo Shabaab la diriray

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saameynta weynaa Soomaaliya ee xukumi jiray mid ka mid ah gobolada ugu kheyraadka badan. Waxa uu saameyn weyn oo ciidan iyo hoggaamin ku lahaa isbaheysiga dooxada jubba, Shabeelada Hoose iyo gobolka Banaadir. Waxa uu la dagaalay saddex madaxweyne, Cabdulaahi yuusuf, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Farmaajo, iyo kooxda Al-Shabaab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.

    Waa Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaalka ee loogu cabsida badnaa, laakiin lagu tilmaamo in uu yahay nin kadhaadh badan oo hadba shaati cusub tosha. Waxa uu ka badbaaday duulaankii ay Maxkamadaha Islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga saareen qabqablayaashii la midka ahaa, isaga oo ba ka mid noqday hoggaankii sare ee maxkamada Islaamiga ah. Waxa uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhexmaray maxkamadaha iyo ciidamada Itoobiya, isaga oo la shaqeeyay Shabaab kahor inta uusan ku biirin Xisbul Islaam iyo kahor heshiiskii uu la galay dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    Waxaa uu ahaa hoggaamiyehii ku dhawaaqay inay qabsanayaan Addis Ababa, eray loo arkay inay eersadeen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee awoodda isbidayay. Marka kale, sanadkii hore waxa uu isaga oo ciidamo wata ku dhawaaqay in aysan dowlad ka jirin Soomaaliya xilli lagu muransanaa mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Farmaajo. Hoggaamiyaha xabsi guriga ku jira ee mar ahaa ninka ugu awoodda badan xarakooyinka hubeysan, Xasan Daahir Aweys, waxa uu Indho-cadde ku tilmaamay ‘nin burburiya koox walba oo uu qeyb ka noqdo’.

    Nolosha darbi-jiifnimada iyo kabo-caseynta

    Halkan ka sii akhri

  9. Mucaaradka Soomaaliya oo maanta shir u furmayo

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, .

    Casimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa maanta shir ugu furmayaa qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka ah, kuwaas oo u badan siyaasiin xilal hore uga soo qabtay Soomaliya.

    Mucaaradka oo maalmahanba ku qulqulayay Muqdisho ayaa waxaa ay ka soo hor jeedaan hannaanka dowladdu ay ku dooneyso inay dalka uga hirgeliso doorasho qof iyo cod ah oo lagu wado inay bilaabato bisha soo aadan.

    Waxay sidoo kale ka soo hor jeedaanwax ka bedelkii lagu sameeyay cutubyo ka tirsan dastuurka KMG ah ee dalka, dhismaha guddiga doorashada, iyo xeerka xisbiyada.

    Shirka mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud uu dhowaan ku baaqay shir heer qaran ah, oo dhacaya, bisha Juun isla markaana looga hadlayo arrimaha doorashada iyo khilaafaadka ka dhaxeeya mucaaradka , qaar ka tirsan maamul gobolleedyada iyo madaxda dowladda federaalka ah.

    Beesha caalamka ayaa dhowr jeer ugu baaqday dhinacyada Soomaalida ee isku haya arrimaha doorashadu ugu weyntahay in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda in shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ay ka qayb galayaan mucaaradka iyo madaxda mamaullada Puntland iyo Jubaland oo horey aan uga qayb gelin shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran.

  10. 'Waxaan ku sigtay inaan is dilo, hadda aniga ayaaba caawiya hooyooyinka isku buuqa ka qaaday dhalmada'

    .

    Xigashada Sawirka, Nur Yanayirah

    Qoraalka sawirka, .

    Aabbeyaasha qaar waxay dubayaan basan, garaacayaan ukun iyagoo sidoo kale jarjaraya khudaar, halka qaar kale ay ciyaarsiinayaan dhallaan. Carruurta ayaa ku dheelaya qalabka ay ku ciyaaraan, iyagoo hooyooyinkood ay daawanayaan.

    Iyadoo bartanka looga jiro fasal cunno-karin ah oo ka socda caasimadda Indonesia, Jakarta, ayay lammaanahani ka sheekeynayaan qisadooda.

    Qaar badan oo haweenka ka mid ah waxay la daalaa dhacaan isku buuq, murugo iyo xaalado kale oo caafimaadka maskaxda ah.

    Waa hardan ay Nur Yanayirah, oo ah aasaasaha MotherHope Indonesia (Rajada Hooyada indonesia) ay keliya si fiican u taqaanno.

    Qiyaastii 12 sano kahor, waxay go'aansatay inay is disho. Balse, markii ay eegtay indhaha gabadheeda sagaal bilood jirka ahayd, wax baa iska beddelay go'aankeeda.

    "Waxaan taabtay jirkeeda, waan carfiyay… waxaan dareemay, 'waa inaan cunugtan darteed isu beddelaa'," ayay tiri.

    Qoraalka sawirka,Rakean (bidix) ayaa sheegay in casharrada uu ka qaatay MotherHope Indonesia ay ka caawiyeen inuu barto sidii uu isku buuqa uga caawin lahaa xaaskiisa

    Waxay uur qaadday saddex bilood uun kadib markii ay dhashay ilmo meyd ah iyadoo toddobaad 28-aad ku jirta. Tiiraanyo, uur khatar ah iyo cadaadiska bulshada ee ah inay hooyo fiican noqoto oo la isu geeyay ayaa gayeysiiyay inay dareento rajo la'aan, ayna awoodi weyso inay seexato oo ay daryeesho gabadheeda.

    Xilligaas kadib, waxay caawinaad u raadsatay dhaqtar caafimaadka maskaxda ah, waxaana laga helay isku buuqa dhalmada kadib, oo afka qalaad lagu yiraahdo postpartum depression.

    Dalalka soo koraya, shantii haweenba mid ka mid ah oo markaa uun dhashay ayaa waxaa soo food-saara xanuun maskaxiyan ah – caadi ahaan isku buuq, sida laga soo xigray Ururka Caafimaadka Adduunka.

    Isbeddellada hoormoonka ayaa saameyn kara caafimaadka maskaxda inta lagu guda jiro uurka iyo kadib, iyo sidoo kale xaaladaha qofka uga sii dara sida dhalmada iyo foosha oo adag, saboolnimo iyo qof uu jecel yahay oo uu waayo.

    Nur ayaa keligeed dhibtooneysay sagaal bilood. "Cidna ima fahmin, cidna waxba iima sheegin," ayay tiri. "Markii aan caafimaaday… waxaan isku dayay inaan dadka u fidiyo caawinaaddii aan aniga helin."

    Halkan ka sii akhri..

  11. Maxaa ka soo baxay booqashadii xasaasiga ahayd ee wasiirka wrrimaha dibadda Turkiga ee Moscow?

    .

    Xigashada Sawirka, Arda Kucukkaya

    Qoraalka sawirka, .

    Intii lagu guda jiray booqashadiisa Moscow ee May 26-27-keeda, wasiirka wrrimaha dibadda Tirkiga, Hakan Fidan, wuxuu la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, wasiirka arrimaha dibadda, Sergey Lavrov iyo hogaamiyaha kooxda wada xaajoodka ee Putin ee Ukraine Vladimir Medinsky.

    Fidan iyo Lavrov ayaa shir jaraa’id qabtay ka dib wada-hadalladii laba geesoodka ahaa ee ay la galeen wefdiga, waxay ku faahfaahiyeen xog ku saabsan waxyaabihii ay ka wadahadleen iyo farriimaha la xiriira qorsheyaasha xiga.

    Bayaanka la soo saaray ayaa muujinayay in dhamaadka dagaalkii Ruushka ee Ukraine, horumarka Suuriya iyo arrimaha tamarta labada dhinac ay yihiin waxyaabaha inta badan laga wada hadlay.

    Xaqiiqda ah in booqashada Fidan ee Moscow ay timid ka dib wada hadalladii dhawaan Istanbul ku dhex maray Ruushka iyo Ukraine, ayaa safarkiisa loo arkaa inay tahay rabitaanka Ankara ee ah inaysan lumin dardartii ay ku bilowday dhexdhexaadin iyo inay sii waddo martigelinta wada xaajoodyada suurtagalka ah.

    Ruuska ayaa Turkiga uga mahad celiyay doorka u uku leeyhay wadahadallada nabadda iyo heshiis dhex mara Ruushka iyo Ukraine.

    Fidan ayaa ku tilmaantay Erdoğan iyo Putin labo hogaamiye oo halgamayaal ah,kuwaasi oo muujiyay hogaan sanado badan kana soo gudbay caqabado badan.

    Dhammaadkii wada-hadalladii ka dhacay Moscow, Fidan waxay ku wargeliyay in Ankara iyo Moscow ay ka wada shaqeyn doonaan ilaalinta midnimada dhuleed iyo midnimada Suuriya.

    Fidan ayaa dhanka kale madaxweyne Putin ka codsaday dhismaha warshad tamarta nukliyeerka ah.

  12. Maxay yihiin waxyaabaha Muslimiinta ka reebban bisha Dul-Xaj?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Dul-Xaj waa bisha laba iyo tobnaad ee ugu dambeysa bilaha Islaamka. Waxayna u leedahay Muslimiinta caalamka ku nool muhiimad weyn, maaddaama bishan gudaheeda ay si wada jir ah u gutaan gudashada waajibaadka sanadlaha ah ee loo yaqaanno Xajka.

    Bisha Dul-Xijah ayaa bilaabatay Jimcihii oo ay taariikha milaadiga ahayd 7 Juun ee 2024.

    Tobanka maalmood ee ugu horreeya ee Dul-Xaj ayay si gaar ah u xushmeeyaan Muslimiinta, maaddaama lagu tiriyo inay ka mid yihiin maalmaha sannadka ugu fadliga badan.

    Nabi Muxamed (NNKH) waxa uu sheegay in aanay jirin maalmo kale oo camalka suuban uu Alle agtiisa kaga qiimo badan yahay tobankaas maalmood.

    Inta lagu jiro Dul-Xaj, malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid meelo kala duwan ayaa isugu yimaada magaalada barakeysan ee Maka si ay u gutaan acmaasha Xajka. Sida in xujaydu ay ku wareegaan Kacbada, istaagga Carafa, iyo in ay dhagxaan ku tuuran Shaydaanka.

    Xataa kuwa aan xajka gudanayn, bisha Dhul-Xaj waxaa ay siineysaa fursado badan oo ay kula yimaadaan acmaal aad u qiimo badan oo Alle loogu dhawaado.

    Qaar kamid ah wax yaabaha ay Muslimiinta sameeyaan bisha Dul-Xaj

    Muslimiin badan ayaa sooma maalinta sagaalaad ee bishan oo loo yaqaan maalinta Carafo. Waxaa intaa dheer in inta tobankan maalmood lagu guda jiro ay Muslimiinta sameeyan sadaqada oo dadka masaakiinta ah la siiyo, qur’aan akhris, salaad iyo in Alle dambi dhaaf la waydiisto.

    Cibaadooyinkaas waxaa barbar socda, in sidoo kale bisha Dul-Xaj ay Muslimiinta u dabaal degaaan munaasibadda Ciidul-Adxa, oo sidoo kale loo yaqaanno Ciidda Udxiyada.

    Munaasabaddan oo ah mid farxadeed ayaa la xusayaa maalinta 10-aad ee bisha Dul-Xaj, waxaana ay tahay mid lagu soo afmeerayo gudashada waajibaadka xajka.

    Muslimiintu waxay isugu yimaadaan goobaha fagaarayaasha si ay utukadaan saaladda labada rakacadood ah ee maalintaas la tukado, waxay is dhaafsadaan salaamo iyo haddiyado, waxay farxadda ciidda la qeybsadaan kuwa ay jecel yihiin, waxayna sameeyaan falal kobcinaya midnimada iyo naxariista bulshada dhexdeeda.

    Sidookale bishan waxay dadka Muslimiinta ah sameeyaan camal si gaar ah muhiimad weyn ugu leh kaasi oo ah bixinta Qurbaaniga ama Udxiyada. Tani waxa ay tilmaamaysaa in neefka loo sadqeeyo si Alle loogu addeeco iyo xuska rabitaankii Nebi Ibraahim NKH ee ahaa in uu Alla bari u bixiyo wiilkiisa Ismaaciil.

    Hilibka neefka la gowracay ayaa markaas loo qaybiyaa dadka tabaalaysan, iyadoo xoogga la saarayo qiimaha ay leedahay sadaqada, deeqsinimada, iyo caawinta kuwa danta yar.

    Maxaa ka reebban Muslimiinta?

  13. Xaaladda caafimaad ee Suudaan oo laga deyrinayo

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ayaa ka digay in dalka Suudaan ay dagaalladu halakeeyeen uu “ qarka u saaran yahay ” masiibo caafimaad oo soo wajahda dadweynaha dalkaas, iyadoo daacuunka iyo cudurrada kale ee dilaaga ah ay sii baahayaan.

    Muddo hal todobaad ah oo kaliya, wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ayaa diiwaangelisay 172 qof oo u dhintay cudurka daacuunka, iyadoo xustay in inta badan kiisaska cusub laga diiwaan geliyay magaalada Khartoum, sida ay wasaaradda ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda facebook.

    Dhakhaatiirta maxalliga ah oo soo xiganaya warbaahinta Suudaan ayaa ku warramay in weerarrada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay sababeen koronto la’aan ka jirtay xarumaha biyaha lagu sifeeyo, taasoo dadka deegaanka ku qasabtay inay isticmaalaan biyo wasakhaysan.

  14. Maxaad ka ogtahay Xaajiga ay maalin gudaheed dhowr goor duuli weyday dayaarad laga reebay ee duushay markii uu fuulay

    .

    Xigashada Sawirka, GULF NEWS

    Qoraalka sawirka, .

    Safar markii hore u muuqday mid fudud oo Xajka lagu soo gudanayo ayaa soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii xag alle ay ka fariisatay diyaarad diiddey in ay qaaddo Xaaji reer Liibiya ah oo lagu takooray magaciisa awgiis. Sheekadan oo lagu qoray Wargeyska Gulf News ayaa ka turjumeysa oraahdii ahayd "Sirmaqabe Allaa u sahan ah".

    Caamir Al Mahdi Mansuur Al Qadaafi, oo ah nin dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Liibiya wuxuu u xirxirtay safar uu ugu baxayey Xajka, si uu u soo guto midka mid ah tiirarka Islaamka oo uu in muddo ah ku taamayey.

    Laakiin garoonkii uu ka dhoofi lahaa ayaa waxaa ku qabsatay mixnad la xiriirta magaciisa dambe ee Al Qadaafi oo tuhun ku abuuray saraakiisha garoonka. Sababtoo ah macagacan waxaa lagu xasuustaa hoggaamiyihii dalkaas muddada dheer soo xukumayey ee Mucamar Al Qadaafi, kaas oo inkastoo xukunka laga tuuray toban sano ka hor, haddana weli ka dhex guuxaya maskaxda dadka.

    Markii xujeydii kale ay koreen diyaaraddii Sacuudiga u qaadi lahayd, ayaa waxaa dhacday in lagu dhego Caamir Al Gadaafi. Inkastoo uu in badan ka codsanayey in aan diyaaradda laga reebin haddana cidna dheg jalaq uma siin cabashadiisa. Kaaga darane duuliyihii diyaaradda ayaa ku adkeystay in uusan qaadeyn sababo la xiriira dhanka amniga dartiis, taas oo dhad badan ula muuqatay in magaciisa awgiis loo beegsanayo.

    Laakiin diidmadaasi Caamir ma aysan niyad jabin, wuxuuna ku adkeystay in uusan dib u laabaneyn isagoo yiri "lagama yaabo in aan garoonka uga baxayo meel aan dhanka xajkja ahayn".

  15. Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in Mareykanka uu jihaystay dhanka cadaabta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in barnaamijka‘Golden Dome’ ee Maraykanka uu halis ugu jiro inuu sababo ‘dagaalka nukliyeerka hawada sare’

    Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay qorshaha Mareykanka ee mustaqbalka gantaalaha "Golden Dome" iyada oo sheegtay in uu " horseedi karo in hawada sare ay noqto goob dagaal oo nukliyeer ah".

    Nidaamka difaaca, oo uu madaxweyne Donald Trump qorsheynayo inuu daaha ka rogo dhammaadka muddo xileedkiisa, ayaa looga golleeyahay ka hortagga gantaalada "jiilka soo socda" ee hanjabaadaha hawada ee Mareykanka, oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga iyo kuwa cruise-ka.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pyongyang ayaa qorshahan ku tilmaantay “heerka ugu sarreeyo ee isla waynida", sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Waxa ay ku eedaysay Washington in ay dhanka "jahannamo u jeesatay... waxayna ka digtay in qorshuhu uu dhalin karo "tartanka hubka nukliyeerka caalamiga ah iyo hawada sare".