Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galagduud iyo sida hadda xaaladdu tahay
Kusoo dhawaada tebinteenna tooska oo aad ka heli kartaan wararkii ugu dambeeyay.
Tebin toos ah
Wasiirkii Dagaalka ee Israa’iil Benny Gantz oo xlikii iska casilay
Xigashada Sawirka, reu
Wasiirkii Gaashaandhigga Israel oo ka tirsanaa gGlaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda.
Shir
jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu
ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka
ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada. Mr Gantz waxa uu damacsanaa in uu hadalkan jeediyo
sabtida balse waxa uu dib ugu dhigay iyada oo la eegayey howlgalka soo furashada
la haystayaasha Israa’iil.
Ka bixitaanka
xisbigiisa ma dumin doono dowladda, laakiin waxay kordhin doontaa cadaadiska Mr
Netanyahu ee dhaleeceynta kaga imaaneyso gudaha iyo dibadda.
Bishii la
soo dhaafay, Mr Gantz ayaa 8 June u qabtay Mr Netanyahu si uu u qeexo sida
Israa’iil ay ku gaari lahayd lixda qoddob ee "Himilooyinka istaraatiijiyadeed", oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo sameynta maamul rayid ah
oo caalami ah oo dhulka ah.
Xulka kubadda cagta Gobalka Nogob oo ku guulaysatay tartankii 11aad ee koobka Kubadda Cagta DDS
Xigashada Sawirka, SRTV Somali
Xulka Ciyaartooyda kubadda cagta ee Gobalka Nogob ee Dolwad Deegaanka,DDS ayaa ku guulaystay tartankii 11aad ee koobka Kubadda Cagta ee DDS.
Kadib ciyaar ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta Magaalada Jigjiga, Ciyaarta oo ahayd kama dambays ayaa dhexmartay Gobollada Afdheer iyo Nogob, iyada oo ay guushu ku raacday kooxda kubadda cagta Gobolka
Nogob kadib markii ay 2-1 kaga badisay Gobolka Afdheer.
Madaxwayne kuxigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax,
Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS, Dr. Xuseen Xaashi iyo masuuliyiin kale ayaa
ka qayb'galay gabagabadii ciyaaraha gobaallada DDS ee ay koobka ku qaaden Gobolka Nogob, halkaas oo lagu guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan kooxihii kaalimaha horre galay.
Maxaa ku dhacaya jirkaada haddii aad isticmaasho Caffeine badan?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Caffeine waa
walxo firfircoon oo ku jira qaar ka mid ah cabitaannada laga jecelyahay dunida
oo dhan , waxayna saameyn xooggan ku leedahay aadanaha. Su'aashu waxay tahay,
maxaa dhacaya haddii aan isticmaalno xaddi badan oo kCaffeine ah?
Caffeine
waxaa si dabiici ah looga helaa koob kafeega iyo shaaha subaxdii, ama waxaa
lagu dari karaa cabitaanka tamarta aad jeceshahay, marka lagu daro joogitaanka
cabitaano fudud oo badan oo caan ah. Qaar badan, qiyaasta caffeine waxay siin
kartaa jidhka iyo maskaxda kor u qaadida lagama maarmaanka ah ee dhaqdhaqaaqa
haddii ay dhacdo in la dareemo caajisnimo.
Si kastaba
ha ahaatee, Maraykanka ayaa dhawaan hakiyay dhaqdhaqaaqa mid ka mid ah
shirkadaha caanka ah ee soo saara cabitaanka liinta-macaan kadib markii lagu
eedeeyay wax-soo-saarkooda inuu ku jiro xaddi badan oo Caffeine ah oo khatar ku
ah jirka, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in badeecadan ay ku jirto qiyaasta
lagu taliyey ee maalinlaha ah ee caffeine ee dadka waaweyn, dalka gudihiisa.
Go'aanku
wuxuu dhaliyay su'aalo ku saabsan qadarkaCaffeine ee noqon kara xad-dhaafka, iyo muhiim ma tahay in la
ogaado halka laga keenay caffeine?
Inkasta oo
ay jiraan tiro badan oo cilmi baaris badan oo muujinaysa in qaar ka mid ah
cabbitaannada Caffeine ay leeyihiin faa'iidooyin caafimaad, haddana waxa jirta
aqoon la'aan gaar ah oo ku saabsan qadarka caffeine ee la isticmaalo.
Somaliland oo sheegtay in ay aasaaseyso Shirkad Diyaaradeed oo la yiraa Somaliland Airlines
Madaxweynahaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday
madaxbanaanideeda Muuse Biixi, ayaa
khudbaddii uu maantay ka jeediyay Baarlamaanka waxa uu kusoo hadal qaaday in ay aasaasayaan
Shirkad Diyaaradeed oo la yidhaahdo Somaliland Airlines, taas oo uu sheegay in
la bilaabay qorshihii lagu hir gelin lahaa oo ay u horreyso farsamo yaqaanadii
iyo duuliyeyaashii ka shaqayn lahaa.
Madaxweyne Muuse Biixi ma sheegin wakhtiga rasmiga ah ee
qorshahan hirgelayo, balse wuxuu ku doodday in tallaabada koowaad tahay qjaanib farsamo yaqaano ah oo Hargeysa u jooga tababbarka arday noqon doonta
duuliyeyaal.
Maxamuud Axmadi Najad oo ku hungoobay hammigiisii ahaa inuu u tartamo xilka madaxweynimo ee Iran
Iran ayaa
ogolaatay lix musharax inay u tartamaan doorashada madaxtinimo ee dhamaadka
bishan. Liiska ay ansixiyeen Golaha Ilaalada ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka
baarlamaanka Iran ee hadda jira Maxamuud Bagher Ghalibaf iyo madaxweyne ku
xigeenka hadda Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi.
Magacyada caanka ah ee laga
saaray liiska murashixiinta waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Maxamuud Axmadi Najad iyo
afhayeenkii hore ee baarlamaanka Cali Larijani.
Doorashada ayaa la muddeeyay
kadib markii uu shil diyaaradeedu uku geeriyooday
bishii hore madaxweynihii Iran Ebrahim
Raiisi.
Howlgal ay Israa’iil kusoo badbaadisay la haystayaal oo ay ku dhinteen 274 Falastiiniyiin ah
Xigashada Sawirka, Reuters
Wasaaradda
caafimaadka ee Xamaas ee Gaza ayaa sheegtay in weerar ay Israa’iil ku qaadday
xero qaxooti – kaas oo horseeday in la soo badbaadiyo afar lahayste – ay ku dhinteen 274 qof oo ay ku jiraan carruur iyo dad kale oo rayid ah.
Sabtidii
ciidamada Israa’iil oo taageero ka helaya duqaymo xagga cirka ah, ayaa dagaal
xooggan oo hubaysan kula galay Xamaas gudaha iyo hareeraha xerada qaxootiga ee
Nuseirat, halkaas oo ay kusoo furteen maxaabiistii.
Noa
Argamani, 26, Almog Meir Jan, 22, Andrei Kozlov, 27, iyo Shlomi Ziv, 41, kuwaas
oo laga soo qafaashay bandhig faneedka Nova 7 October ayaa dib loogu celiyay
Israel.
Milatariga
Israel ayaa ku qiyaasay in wax ka yar 100 qof ay ku dhinteen howlgalka.
Laakiin
tirooyinkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee maamusho Gaza ayaa, haddii la xaqiijiyo, ka dhigi doonta mid ka mid ah
maalmihii ugu dhimashada badnaa colaadda ilaa hadda.
Dadka
deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ay is
weydaarsanayaan labada dhinac.
Nin lagu
magacaabo Abdel Salaam Darwiish, ayaa BBC-da u sheegay in isagoo ku sugan suuq
uu khudaar ka soo iibsanayay uu maqlay diyaarado dagaal oo xagga sare ka yimid
iyo dhawaqa rasaasta.
Weriyihii BBC ee la la’aa maalmihii lasoo dhaafay oo meydkiisa la helay
Xaaska weriyihii BBC ee TV-ga iyo raadiyaha Dr Michael
Mosley, oo lagu waayay jasiiradda Symi ee dalka Giriiga, ayaa ku sifeeysay
"ninkeeda, mid cajiib ah, qosol badan, naxariista leh oo qurux badan"
Hadal qoraal ah oo ay soo saartay Clare Bailey Mosley ayay
ku sheegtay in ninkeeda " uu sameeyay in u fuulo meel
sare oo uu qaaday waddo qaldan, uuna ku dhacay meel aan si fudud loo arki
karin"
Meyd ayaa laga helay goor soo horreysay maantay oo Axad ah
agagaarka xeebta Agia Marina ka dib markii Mosley la waayay xilli uu fasax ku
qaadanayay jasiiradda isaga iyo xaaskiisa.
Wuxuu ka tagay xeebta Agios Nikolaos ka hor inta uusan u
dhaqaaqin bartamaha jasiiradda maalintii Arbacada. Maalintaas aad bay u kululeeyd
Symi, iyadoo heerkulku uu gaaray 40C galabtii
Ilo ka tirsan booliiska ayaa BBC-da u sheegay in qofka
dhintay uu meeyd ahaa"muddo maalmo ah"
Weriyahan Telefishinka ayaa ahaa nin caan ah, wuxuu caan ku ahaa barnaamijyada BBC-da oo ay ka mid
yihiin podcast-ka Just One Thing iyo taxanaha barnaamijka, Trust Me, I'm A
Doctor.
Baadi goobkiisa waxaa ka qeeyb qaatay dhinacyo badan oo ay ku jiraan diyaardaha qumaatiga u kaco.
Xigashada Sawirka, bb
Muuse Biixi oo ku eedeeyey Xisbiga Waddani in uu hagardaameynayo deganaanshaha Somaliland
"Doorashadii Madaxtooyada ee 2017-kii Xisbigii
guulaystay wuxuu dheeraa kii ku soo xigay Siddeetan Kun oo Cod (80,000), hase
yeeshee Xisbigii laga helay Doorashada si dhab ah uguma qancin. Haddaba,
Xisbigii laga helay wuxuu bilaabay talaabooyin dhawr ah oo hagardaamo ku ah
geedi-socodka deganaanshaha siyaasadeed ee dalka.”
Isaga oo
hadalkiisa sii wata Muuse Biixi, waxa uu intaasi raaciyey “Iyada oo Qaranku uu
u midaysan yahay difaaca dalka ayaa waxa dhacday 11-kii Bishii August 2023-kii
Shir-qoolkii Buurta Gacan-libaax ee lagu laayey Ciidankii Booliska, dhagartaas
laga galay qaranku waxay ahayd mid ugub ku ah Somaliland. Qaranku dhagartaa
kuwii gaystay Caddaalada ayuu horkeeni doonaa.”
Waxaa maanta deggan xaaladda goobihii shalay lagu dagaallamay ee Gobolka Galgaduud
Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Wararka ka imaanaya goobihii dagaalladu ka dhaceen shalay ee
waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa lasoo werinayaa in xaaladdu ay maanta deggentahay wax dagaal ahna uusan ka dhicin.
Ciidamada
Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa kala dhexgalay labada dhinac,iyada oo maleeshiyo beeleedkii uu shalay dagaalka dhexmarayna ay
kala joogaan furimhii ay shalay dagaalka kasoo kala qadeen.
Dhimashada ayaa
gaareeyso ugu yaraan 40 qof halka dhaawacuna uu intaas ka badanyahay.
Dhanka kale
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa magacaabay guddi
wasiiro ah si ay waan waan nabadeed uga dhex dhaliyaan labada beelood ee
dagaallamay.
Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi ka Jeediyey Baarlamaanka
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday maadxbanaanideeda ee Somaliland Muuse Biixi
Cabdi oo maanta khudbad sannadeedkii 2024-ka ka jeedinayey Barlamaanka, ayaa ka
hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay doorashooyinka, Heshiiskii Isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya iyo siyaasadda gudaha.
Madaxweyne Biixi
ayaa sheegay in doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururrada la
filayo in ay dhacaan bisha November ee
sannadkan, kuwaas oo ay ku baxayso lacag gaareeyso 20 Milyan oo dollar.
“Doorashooyinka Miisaaniyadda ku bixi doonta waxay noqoneysaa lacag dhan 20
million oo dollar, lacagtaasina waxay ka baxaysaa Miisaaniyadda Dowladda ee laga
ururiyo cashuur-bixiyeyaasha dalka.”
Muse Biixi
mar uu ka hadlayey heshiiskii Isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu yiri
“Is-af-garadka Ethiopia iyo Somaliland dhex-maray 1-dii January waxa sal u ah
laba dal oo midna Aqoonsi helayo, midna Saldhig Ciiidan Baddeed oo kiro ah
helayo. Nuxurka wax-wada-qaybsigu waa horumarinta ganacsiga, iyada oo Dekedda
Berbera ay u adeegi doonta dadka iyo dalka Ethiopia.”
Madaxweyne
Biixi oo ka hadlayey dooddii bilihii u dambeesyey ka taagnayd maamulka hawada
Somalia ayaa yidhi “Somaliland waxay la wareegtay 100% Maamulka Hawada Sare ee
Jihada Waqooyi. Sidoo kale waxay la wareegtay 50% Maamulka Hawada Sare ee
Jihada Koonfureed. Taasi waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay maamusho oo kaliya 250 Nautical Mile oo u dhiganta Kaliya 463 KM oo Hawada Sare ee dhulkii
Jamhuuriyaddii duntay ee Somali Republic”
Qaramada Midoobay oo militariga Israel ku dartay liiska hay’adaha xadgudubyada u geysta carruurta
Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Waxaa sii
xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qaramada Midoobay kadib markii
Qaramada Midoobay ay militariga dalkaas ku dartay liiska hay’adaha xadgudubyada
u geysta carruurta, sida Xamaas.
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan
Israa’iil ayaa warkan faafiyay toddobaad ka hor inta aan liiska golaha la
horgeyn, Golaha Ammaanka (isagoo soo bandhigay muuqaal taleefoon oo uu soo
diray sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay).
Ra'iisul
wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay
tahay mid khiyaali ah. Laakiin afhayeenka xoghayaha guud ayaa sheegay in habka ay
ku timid warbixinta uu ahaa mid si wanaagsan loo dhisay oo hufan.
Xadgudubyada
ayaa lagu soo waramayaa in ay ka mid yihiin weerraro lagu qaaday iskuulada iyo
isbitaalada iyo diidmada gargaarka.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ku dhaleeceyay
ergayga Israa’iil warka sirta ah, isagoo ku tilmaamay mid naxdin leh oo aan la
aqbali karin.
Cirbixiyeenkii Maraykanka ee qaaday sawirkii caanka noqday ee dhulka oo ku dhintay shil diyaaradeed
Xigashada Sawirka, Getty Images
Cirbixiyeenkii
Apollo 8 Bill William Anders, oo qaaday mid ka mid ah sawirada ugu caansan ee
laga soo qaaday hawada sare, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed isagoo 90 jir ah.
Saraakiisha
ayaa sheegay in diyaarad yar oo uu la socday ay ku dhacday badda gobolka
Washington.
Wiilka
Anders Greg ayaa xaqiijiyay in meydka aabihiis la helay galabnimadii Jimcaha.
"Qoysku
aad bay u murugeysanyihiin, wuxuu ahaa duuliye weyn, waa la tabi doonaa,"
ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay qoyska.
Anders - oo
ahaa duuliyaha dayaxa ee howlgalka Apollo 8 - ayaa qaaday sawirka astaanta u ah
Earthrise, mid ka mid ah sawirada ugu xusuusta iyo dhiirigelinta badan ee
Dhulka ee hawada sare laga qaaday.
Afar lahayste oo lagusoo furtay howlgal milateri oo ka dhacay Gaza
Xigashada Sawirka, Reuters
Afar la
haystayaal oo ay Xamaas ka qafaasheen xafladii muusiga ee Nova intii lagu jiray
weeraradii 7 October ayaa lagu soo badbaadiyay weerar maalinle ah oo ka dhacay
bartamaha Gaza.
Noa
Argamani, 26, Almog Meir Jan, 22, Andrei Kozlov, 27, iyo Shlomi Ziv, 41, ayaa
lagusoo furtay " hawlgal adag oo halis ah" oo ka dhacay laba dhismo
oo kala duwan oo ku yaala aagga Nuseirat, sida ay sheegeen ciidamada difaaca
Israel.
IDF waxay
sheegtay in afartaan qof xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana loo
gudbiyay xarunta caafimaadka ee Sheba' Tel-HaShomer si baaritaanno caafimaad
loogu sameeyo - halkaas oo lagu sawiray iyagoo isku duubaya ooh ab siinaya xubnaha
qoyska ee ku sugaya xarunta.
Tobaneeyo
qof oo ay ku jiraan caruur ayaa dhaawac iyo dhimasho ay kasoo gaartay deegaanka
howlgalkaasi uu ka dhacay, iyadoo muuqaallo laga soo qaaday ay muujinayaan
qasaare aad u badan.
Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Waqooyiga Galgaduud
Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Dowladda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha ku
dagaallamaya degaanka Laan dheer ee u dhexeeya Caabudwaaq iyo Xeraale oo
waqooyiga Galgaduud.
Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u
heshiisiinta XFS ayaa u baaqday labada beelood ee dagaallamaya in ay si deg deg ah ku joojiyaan dirirta isla
markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada hadalka.
Baaqaasi nabadeed ayaa sidoo kale looga codsaday dadka wax
garadka ah, sida odayaasha dhaqanka , culumaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, in ay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii collaadaasi loo
joojin lahaa.
Baaqaasi nabadeed ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,
Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa sidoo kale loou baaqay dowlad goboleedka
Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan sidii collaadaasi loo joojin lahaa.
Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta u baaqday kooram la'aan
Fadhigii
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanideeda ee Somaliland ayaa maantay u baaqday kooram la'aan.
Fadhigii
Golaha Wakiillada ee Somaliland oo la filayey maanta in la horkeeno miisaaniyad
sannaddeedka 2024-ka, oo horrey Madaxwayne Muuse Biixi u soo celiyey, ayaa u
baaqday kooram la'aan, markii ay mudaneyaasha fadhigaas yimid ay gaari waayeen
tiradii loo baahnaa oo ahayd 42 mudane.
Golaha
Wakiilada oo toddobaadkii u dambeeyey la isku dayey in la soo hordhigo miisaaniyadda
2024-ka, ayey suurto geli wayday markii xildhibaannada mucaaradku ay soo
xaadiri waayeen fadhiyadii la doonayey in miisaaniyaddaas lagu ansixiyo.
Golaha
Wakiillada ayaa oddoroska miisaaniyadda 2024-ka ansixiyey bishii March horaanteedii iyaga oo wax ka beddel weyn ku
sameeyey tii Xukuumaddu u soo gudbisay, balse madaxweynaha oo ka biyo diiday
wax ka beddelkaas ayaa 17kii March dib ugu celiyey Golaha Wakiillada, isaga oo
ku tilmaamay wax ka beddelkaas mid sharci darro ah oo aanay awood u lahayn.
Xildhibaannada
mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ee Golahaas, ayaa si weyn ugu kala qaybsan soo
celintan iyo go'aanka ay ka qaadanayaan, iyada oo kala qaybsanaantaas keentay
in labadii bilood ee u dambeeyey la ansixin waayo miisaaniyaddaasi.
Xildhibaan
Cabdikariim Maxamed Muxumed, oo ka mid ah Xildhibaannada muxaafidka ee Xisbiga
Kulmiye, ayaa u sheegay BBC-da sababaha kooramku u buuxsani waayey ay tahay xildhibaannada
mucaaradka oo qaarkood iman waayeen fadhigaasi, kuwaas oo ka war-wareegaya
ansixinta miisaaniyadda 2024-ka.
"Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay isaga oo
qodobo sharciga adeegsanaya, inuu soo celiyo. Xildhibaannada waxa xaq loogu
leeyahay in soo celinta madaxweynaha diidaan ama ogolaadaan, laakiin xildhibaanno
dano gaar ah leh ayaa ka warwareegaya" ayuu yidhi Cabdikariim Muxumed.
Xildhibaan
Jamaal Cali Aadan, oo ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in ay doonayaan in miisaaniyadda 2024-ka, sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen loo meel mariyo,
madaama ay ku jireen, sida uu sheegay mashaariic Gobolka Awdal ah iyo Ciidammo
2000 gaaraya oo Gobollada Bariga Somaliland laga qoray, taasoo uu sheegay in xukuumaddu
diidan tahay. "Waxaanu diyaar u nahay ansixinta miisaaniyaddii hore goluhu
u ansixiyey oo ay ku jiraan mashaariicdii aanu ku darnay ee Gobolka Awdal iyo Ciidamada Madaniga ah" ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal Cali Aadan.
Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2024-ka ee Somaliland ayaa la isku mari la'yahay
ansixinteeda, iyada oo sannadku kala bar yahay.
Xildhibaannada muxaafidka ayaan haysan aqlabiyad ay miisaaniyadda ugu ansixiyaan sida xukuumaddu doonayso, halka mucaaradkuna aanay haysan weli aqlabiyad ay dib ugu celiyaan miisaaniyaddii ay
hore u ansixiyeen.
Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galgaduud
Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ugu
yaraan 30 qof ay ku dhinteen tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacntay, dagaal u
dhaxeeya laba beelood oo oodwadaag ah kaas oo ka dhacay inta u dhaxeeysa Qalanqale
iyo Laandheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo qarxay arroornimadii hore ee maanta ayaa waxaa uu
salka ku hayaa aanooyin qabiil .
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in muddo bil iyo bar ka hor
ah uu dagaal sidan oo kale ah uu dhexmaray labadan beelood ee hadda dagaalamaya. Maamulka Gobolka
Galgaduud ayaa horrey isugu dayey in labada beelood ay wadahadallo dib u
heshiisiin ah ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb si xal looga gaaro colaadda, balse aanay taasi ku guuleysan kadib markii ay labada beelood ka madax
adeeygeen in ay aqbalaan gogoshii nabadeed ee loo fidiyay.
Wararkii ugu dambeyay ayaa hadda sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ah iyo
kuwa Galmudug ay ku baxeen dagaalka oo ay ku sii socdaan goobta dagaalka, si ay u
kala dhex galaan labada beeleed.
Waxaa weli la baadigoobayaa weriye caan ah oo lagu la’yahay dalka Griigga
Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Qoraalka sawirka, Sawirka Dr Mosley oo fasax ku jooga Symi ayaa lagu daabacy oo lagu daabacyFacebook maxalli ah Arbacadii
Waxaa weli la
baadigoobayaa weriye caan ah oo lagu magacaabo Michael Mosley oo BBC katirsanaa
kaas oo lagu waayey dalka Griigga oo uu fasax nasasho ah ku joogay.
Baadigoobka
ayaa hadda u wareegay dhul buuraley ah oo fog oo ku yaalla jasiiradda Symi ee
dalka Giriiga.
67-jirka, oo
caan ku ahaa barnaamijyadiisa TV-ga iyo BBC Radio 4 Just One Thing podcast,
ayaa la waayay Arbacadii isagoo fasax ku jiray.
Hawlgalka
baadigoobka iyo samatabbixinta, oo ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha qumaatiga
u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa mar kale bilowday subaxnimadii
Sabtida.
Afartiisa
caruur ah ayaa yimid Griigga si ay gacan uga geystaan raadinta. Xaaskiisa Dr
Clare Bailey Mosley ayaa sidoo kale ka baadi goobaysay jasiiradda iyada oo ay ku
biireen saaxiibadeed Ingiriis ah, sidi uu sheegay duqa jasiiradda Symi.
Al-shabaab oo culimo Dariiqada Suufiyada ah ka afduubtay Laanta Buuro
Xigashada Sawirka, AP
Wararka ka
imanaaya Laanta Buuro ee Galbeedka Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay
afduubteen ilaa labaatan culimo ah oo ka tirsan dariiqada Suufiyada, culimadaas
oo sanad walba iskugu yimaado kulan diimeed ka dhaca Laanta Buuro. Wararku wax ay
sheegayaan in qar ka mid ah culimada ay u suurtagashay in ay baxsadaan oo ay ka
badbaadaan afdubka.
Al-shabaab ayaa
muddo dheer ka soo horjeeday suufiyada oo ay u aragto inay ka soo horjeedaan mabaadi’dooda
adag ee Islaamka, waxayna horrey u burburiyeen mowlacyo badan oo ay dariiqooyinka
suufiyadu ay lahaayeen.
Weli war rasmi ah, Al-shabaab kama soo saarin Afduubkaas.
Biden iyo Zelensky oo ku kulansan Paris
Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweyne
Biden iyo dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku kulmaya Paris, maalin kadib markii ay
labadooda ka qeyb galeen xuska dagaalkii labaad ee adduunka, maalintii ay
ciidamadii isbahaysiga qabsadeen waqootiga Faransiiska.
Mr Biden ayaa
raalligelin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid gargaarka militari ee Ukraine la
siin lahaa, taasoo ay sababeen xildhibaannada jamhuuriga ee aqalka kongareeska,
balse wuxuu ballan qaaday in Mareykanku uusan cidlo uga tegi doonin Ukraine. Wuxuu
ansixinayaa in ka badan labo boqol oo milyan oo doollar oo dheeraad ah si dib
loogu dhiso korontada warshadda Ukraine ee Ruushku duqeynta ku waday.
Madaxweyne
Zelensky ayaa dhankiisa madaxweyne Biden uga mahad celiyay taageerada
Mareykanka, wuxuuna sheegay in labada dal ay ka wada xaajoon doonaan difaaca
hawada.
Goor sii
horreysay, Mr Zelensky ayaa ka digay khatarta uu duullaanka Ruushka u nugleeyay
Yurub, mar uu khudbad ka jeednayay Golaha Qaranka ee Faransiiska. Wuxuu sidoo
kale saacadaha soo socda la kulmi doonaan Madaxweyne Emmanuel Macron.
Israa'iil oo sii wadda duqeynta Rafax
Ciidamada
Israa’iil ayaa sii wada inay Rafax ka duqeeyaan cirka iyo dhulka, iyadoo dadaallada
xabbad-joojinta lguu soo dabbaalayo Gaza aysan u muuqan kuwo meel maraya.
Dadka
ku nool Rafax ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ayaa usii dhaqaaqeen xadka
Masar, halka ay sidoo kale jireen dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada
Israa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas.
Iyadoo kooxaha gargaarka ay sii wadaan
digniinta ah yaraanta cunnooyinka quutul daruuriga ah, warbaahinta Israa’iil
ayaa ku warrameysa in marinka gargaarka ee Mareykanku ka sameeyay xeebta ay
howlihiisa dib u bilaaban doonaan gelinka dambe ee maanta kadib markii ay saameysay
cimilada xun.