Sida Ukraine u fulisay weerarkii la yaabka lahaa ee loo bixiyay 'Xuubka Caarada' ee lagu beegsaday Ruushka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa la hadlaya madaxa SBU Vasyl Maliuk ka dib howlgalkii ka dhanka ahaa saldhigyada cirka ee Ruushka.

Xigashada Sawirka, Ukraine Presidential Press Service/EPA-EFE/Shutterstock

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa la hadlaya madaxa SBU Vasyl Maliuk ka dib howlgalkii ka dhanka ahaa saldhigyada cirka ee Ruushka.

Waxaa la qaaday weerar leh xeelad cajiib ah – mid aan horay loo arag, ballaaran, islamarkaana 18 bilood la qorsheynayay.

1-da Juun, in ka badan 100 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ukraine leedahay ayaa weeraray saldhigyo ciidamada cirka oo ku yaalla gudaha Ruushka, iyagoo bartilmaameedsanaya diyaarado weerar nuclear qaadi kara oo masaafad dheer duula.

Baaxadda hawlgalkan oo loo bixiyay magaca "Spider Web" (Xuubka Caarada) ayaa si cad u qeexay miisaanka uu leeyahay isla markii uu bilowday, iyadoo qaraxyo laga soo sheegay dhawr goobood oo kala duwan oo dalka Ruushka ah – laga bilaabo Murmansk oo ku taalla woqooyiga meel ka baxsan Wareegga Arctic, ilaa gobolka Amur ee bariga fog, oo ka fog Ukraine in ka badan 8,000km.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay in weerarradu ay ka dhaceen shan gobol oo dalka ah – Murmansk, Irkutsk, Ivanovo, Ryazan iyo Amur – balse waxay sheegtay in kaliya diyaaradihii Murmansk iyo Irkutsk ay waxyeello soo gaartay, halka meelaha kale weerarrada la sheegay in la iska difaacay.

Sawirro la baahiyay wax yar ka dib weerarka ayaa muujinaya Vasyl Maliuk, madaxa Hay'adda Sirdoonka Ukraine ee SBU, oo eegaya khariidad dayax-gacmeed lagu qaaday oo muujinaysa saldhigyada ciidamada cirka, kuwaasoo si cad looga garan karo meelaha uu Ruushku sheegay.

SBU, GOOGLE
Qoraalka sawirka, SBU, GOOGLE

Howlgalka

Maliuk wuxuu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si dhuumasho ah lagu geliyay gudaha Ruushka, iyadoo lagu rakibay qolal alwaax ah dusha sare ee gaadiidka xamuulka ah, waxaana kor laga saaray saqafyo meel fog laga maamulo oo si fudud loo kala bixi karo.

Gaadiidkan xamuulka ah ayaa la sheegay in la geeyay meelaha u dhow saldhigyada ciidanka cirka, waxaana waday darawallo aan la socon waxa ay sidayaan. Kadibna, diyaaradaha ayaa halkaas laga sii daayay si ay u weeraraan bartilmaameedyadooda.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarado aan duuliye lahayn oo ka soo baxaya saqafka mid ka mid ah baabuurtaasi. Mid ka mid ah darawallada gaadiidka xamuulka ah oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Ria Novosti ayaa sheegay in isaga iyo darawallo kale ay isku dayeen inay ku tuuraan dhagxaan diyaaradaha kasoo baxaya baabuurka si ay uga hortagaan duulimaadka.

Wuxuu yiri: "Waxay ku jireen dhabarka baabuurka, annagana waxaan ku tuurnay dhagxaan si aysan hawada u galin, si aan dhulka ugu hayno."

Sida lagu sheegay warbixinno aan weli la xaqiijin oo lagu daabacay barta Telegram ee Ruushka ee Baza – oo lagu yaqaan xiriirka uu la leeyahay hay'adaha amniga – darawalladii waday baabuurta lagu diyaaradaha ayaa dhammaantood sheegay sheeko la mid ah sheekadaas, taasoo ahayd in ganacsato ay u shaqaaleysiyeen si ay alwaax lagu qariyay diyaaradahaas ugu geeyaan goobo kala duwan oo ku yaalla Ruushka.

Weerarka waxaa loogu magac daray "Xuubka Caarada"
Qoraalka sawirka, Weerarka waxaa loogu magac daray "Xuubka Caarada"

Qaar ka mid ah darawallada ayaa sheegay in markii dambe ay telefoon ku heleen tilmaamo dheeraad ah oo ku saabsan halka ay baabuurta xamuulka ah dhigayaan; markii ay sidaas yeeleen, way la yaabeen markay arkeen diyaarado aan duuliye lahayn oo ka soo baxaya baabuurtaas.

Qoraal guul sheegasho ah oo uu habeenimadii Axadda baraha bulshada ku baahiyay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayuu ku sheegay in 117 diyaaradood oo aan duuliye lahayn loo adeegsaday weerarkaas halista ahaa oo uu sheegay in hal sano, lix bilood iyo sagaal maalmood la diyaarinayay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mid ka mid ah goobaha la weeraray uu aad ugu dhowaa mid ka mid ah xafiisyada hay'adda sirdoonka Ruushka ee FSB.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ku faanay weerarka
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine ayaa ku faanay weerarka

Ruushka ayaa sheegay in uu xabsiga dhigay dad lala xiriirinayo weerarka, inkastoo Madaxweyne Zelensky uu sheegay in dad gacan ka geystay howlgalkaas laga saaray dhulka Ruushka... waxayna hadda ku sugan yihiin meel ammaan ah."

Qoraal hadda laga saaray barta Telegram oo ay soo dhigeen mas'uuliyiinta deegaanka magaalada Ust-Kut ee gobolka Irkutsk ayaa lagu sheegay inay raadinayaan nin 37 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Ukraine, loogana shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Belaya.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Waxaa suuragal ah in diyaaradahan loo adeegsaday weerarkan lagu sameeyay gudaha dalka Ukraine.

Xigashada Sawirka, SBU

Qoraalka sawirka, Waxaa suuragal ah in diyaaradahan loo adeegsaday weerarkan lagu sameeyay gudaha dalka Ukraine.

Sawirada ay hay'adda sirdoonka Ukraine ee SBU ayaa muujinaya tobanaan diyaarado yar yar oo madow ah oo si habsami leh ugu dhex daadsan qolal alwaax ah oo ku dhexyaalla bakhaar, kuwaas oo militariga Ruushku ay farta ku fiiqeen meel ku taal Chelyabinsk.

Dr. Steve Wright, oo ah khabiir ku takhasusay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kana howlgala UK, ayaa u sheegay BBC-da in diyaaradaha weeraray Ruushka ay ahaayeen quadcopters fudud oo siday culaysyo aad u tan-weyn marka la eego noocooda.

Wuxuu intaas ku daray in waxa weerarkan ka dhigay mid "aad u cajiib ah" ay ahayd awoodda lagu soo dhex geliyay gudaha Ruushka, lagana soo riday meel fog iyadoo si fog looga maamulayo — taas oo uu ku sheegay in loo adeegsaday xiriir satalaat ama internetka ah.

Zelensky wuxuu sidoo kale sheegay in mid kasta oo ka mid ah 117-ka diyaaradood ee weerarrada gaystay ay mid kasta oo ka mid ah laheed hage u gaar ah.

Dr. Wright ayaa sheegay in ay suuragal tahay in diyaaradahu ay ku duuleen iyaga oo adeegsanaya GPS, balse ay sidoo kale ka gudbeen Seeriga Ruushka ku rakibay meelahaas, iyadoo laga yaabo in gacanta looga hago meel fog.

Kyiv ma aysan faafin faahfaahin ku saabsan halka ay ka yimaadeen diyaaradahaas, balse tan iyo bilowgii dagaalka, Ukraine waxay si weyn ugu horumartay soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – waxaana suuragal ah in diyaaradahan loo adeegsaday weerarkan lagu sameeyay gudaha dalka Ukraine.

Bartilmaameedyo

"Ruushku wuxuu la kulmay khasaare muuqda, si buuxda oo sharci ahna wuu u muteystay," ayuu yiri Madaxweyne Zelensky khudbad muuqaal ah oo uu jeediyay.

Sida ay sheegtay Ukraine, 41 diyaaradood oo ah kuwa weerarka istaraatiijiga ah ayaa la beegsaday, waxaana la burburiyay "ugu yaraan" 13 ka mid ah. Moscow ma aysan xaqiijin wax khasaare ah oo dhinaca diyaaradaha ah, marka laga reebo sheegashada in qaar la waxyeelleeyay.

Muuqaallo ay xaqiijisay BBC ayaa muujinaya diyaarado waxyeello soo gaartay oo yaalla saldhigga cirka ee Olenegorsk ee gobolka Murmansk iyo saldhigga Belaya ee Irkutsk.

Diyaaradaha muhiimka ah ee la beegsaday, kuwaas oo xambaara gantaallada, waxaa ka mid ah Tu-95, Tu-22, iyo Tu-160. Dayactirkoodu aad buu u adag yahay, waxaana sidoo kale adag in durba kuwa kale lagu badelo.

Sawirro uu daabacay Capella Space ayaa muujinaya ugu yaraan afar diyaaradood oo Ruushku leeyahay oo ah kuwa weerarka fog, kuwaas oo si xun waxyeello u gaartay ama la burburiyay, iyagoo yaalla saldhigga Belaya. Tani waxay xoojinaysaa muuqaallo diyaarado aan duuliye lahayn ay Ukraine duubeen oo muujinaya weerar lagu qaaday Tu-95.

Madaxa sirdoonka Ukraine ee SBU, Vasyl Malyuk, ayaa yiri:

"Sida waafaqsan xeerarka iyo dhaqanka dagaalka, waxaan beegsannay bartilmaameed sharci ah — saldhigyo milatari iyo diyaarado gantaallo ku garaaca magaalooyinkeena nabadda ah."

Sawirada ay hay'adda sirdoonka Ukraine ee SBU ayaa muujinaya tobanaan diyaarado yar yar oo madow ah
Qoraalka sawirka, Sawirada ay hay'adda sirdoonka Ukraine ee SBU ayaa muujinaya tobanaan diyaarado yar yar oo madow ah

Tu-95 diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa la sheegay inay todobaadkii hore weerar ballaaran oo ah gantaallada Kh-101 ku qaadeen Ukraine. Diyaarad kasta oo Tu-95 ah waxay qaadi kartaa 8 gantaal oo hagis leh, mid kasta oo ka mid ahna wuxuu xambaarsan yahay madax- miisaankiisu yahay 400kg.

Diyaaradaha kale ee la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah kuwa A-50, oo ah diyaarado basaas ah oo milatari. Diyaaradahaan waa kuwo qiimo badan, waxayna Ruushka si weyn uga caawiyaan in uu ku ogaado oo joojiyo gantaallada Ukraine, iyo sidoo kale in uu weerarro SI iskiis ah u bilaabo.

Lama oga tirada rasmiga ah ee diyaaradaha A-50 ee Ruushku leeyahay, balse bishii Febraayo 2024, taliyaha sirdoonka milateriga Ukraine Kyrylo Budanov ayaa sheegay in tiradaasi ay ahayd 8 diyaaradood. Sidaas darteed, khasaaro ku dhaca midkood waa dhirbaaxo culus oo soo gaari karta Moscow.

Qoraal ay hay'adda sirdoonka Ukraine ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in hawlgalka la yiraahdo "Xuubkii Caarada" ee Ruushka uu ku kacay qarasha dhan 7 bilyan oo dollar.

Warbaahinta dowladda Ruushka waxay ka gaabsatay dhacdadan, iyadoo barnaamijyada TV-ga ee waqtiga muhiimka ah la daawado Axaddii fiidkii ay si kooban u xuseen oo kaliya hadallo ka yimid mas'uuliyiinta gobollada. Subaxnimadii Isniinta, warkan gabi ahaanba waa laga saaray wargeysyada iyo wararka la baahiyo.