window.__reverb = {}; window.__reverb.__reverbLoadedPromise = new Promise((resolve, reject) => { window.__reverb.__resolveReverbLoaded = resolve; window.__reverb.__rejectReverbLoaded = reject; }); window.__reverb.__reverbTimeout = setTimeout(() => { window.__reverb.__rejectReverbLoaded(); }, 5000);

Gawaari wadda gargaar oo hadda Qasa ku sugan kadib dhowr maalmood oo dib u dhac ku yimid

Ku soo dhawaada tebinteenna toosk ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ku dhowaad 200 oo qaxooti oo Jarmalku dib ugu celiyay xerada Kakuma

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Qaxooti gaaraya 183 qof oo Ku noolaa xerada qaxootiga Kakuma ee dalka Kenya oo lagu waday inay u safraan dalka Jarmalka si ay qeyb uga noqdaan qorshaha dib u dajinta ayaa dib loogu celiyay xeryaha qaxootiga isla Kakuma, kadib markii dowladda Jarmalku ay joojisay dhamaan qorshaha dib u dejinta ilaa amar dambe.

    Qaxootigan oo magaalada Nairobi ku sugnaa muddo saddex toddobaad ah oo ay sugayeen bixitaankooda, ayaa ka soo horjeestay tallaabadan, iyagoo sheegay inay iibiyeen dhammaan hantidoodii iyagoo rajeynaya inay nolol wanaagsan ka helaan Yurub.

    Warbaahinta Citizen ee ka howlgasha dalka Kenya ayaa booqday halka lagu hayay dadka, YMCA subaxnimadii Arbacada, halkaas oo 183 qaxooti ah ay ku sugayeen basaskii dib ugu celin lahaa xeryaha Kakuma

    Kooxda, oo ka kala yimid in ka badan shan waddan, ayaa la siiyay fiisayaal iyo tigidho. Muddo saddex toddobaad ah ayay ku sugnaayeen xaruntii ay ka bixi lahaayeen, waxayna diyaar u ahaayeen inay bilaabaan nolol cusub, balse arrimuhu way isbedeleen.

    Waxaa naloo sheegay in doorasho ay ka dhaceyso Jarmalka, sidaas darteed duulimaadyadeena waa la hakiyay, hadda waxaa nalagu wargeliyay inaan ku laabanno xeryaha," ayuu yiri mid kamid ah qaxootigaas oo lagu magacaabo ​​Clement Makonde.

    Qaxootiga Kakuma ayaa halkaas ku wajahaya nolol adag, ka dib markii la joojiyay mucaawinadii la siin jiray, ayaa ka codsanaya dowladda Jarmalka inay siiyo fursad kale.

  2. Nolosha Qoyska: 10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan!

    .

    Xigashada Sawirka, Alamy

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa jira arrimo ay jecelyihiin ama neceb yihiin bina'aadamka. Waxaa jiro kuwo uu in yar jecel ama neceb yahay.

    Dumarku, sidoo kale, iyagoo qayb ka ah bani aadamkaas, waxay leeyihiin waxyaabo ay jecel yihiin iyo kuwa ay naceb yihiin .

    Hadaba, waxaa jiro waxyaabo ay dumarka aad uga xanaaqaan oo ay naceb yihin ayna u arkaan waji-gabax.

    Waxyaabahsaasi waxaa ka mid ah 10 shey ee soo socda.

    10: Daawashada ciyaaraha

    Ragga waxay jecel yihiin kubadda cagta. Haddii ay jiraan wax isu keena oo ragga kulmiya waa isboortiga, gaar ahaan kubadda cagta.

    Xitaa haddii haweeneydu jeceshahay inay daawato cayaaraha, ninka wuxuu ku faraxsan yahay in asxaabtiisa ay ciyaarta ka wada daawadaan garoomada ama si wadajir ah ay telfishinada uga fiirsadaan iyaga oo ku sugan hal goob, sida maqaayad ama gurigiisa.

    Inta ay ciyaarta socoto Si wada jir ah ayay u qayliyaan, way ku murmaan, waxaa jira waqtiyo ay ku hadlaan erayo ama luuqad aan wanaagsanay oo kaftan ah.

    Ragga waxaa qiimo wayn u leh xilliga ciyaarta ay socoto. Waxay waqti ka badan kan uu lamaanihiisa la joogo ku qaataa goobaha ciyaaraha.

    Dumarka waxay dareemaan in la takooray oo aan mudnaanta la siinin… waxayna u maleeyaan in aysan qeyb ka ahayn nolosha ragga, inta lamaanahooda ama saaxiibadood ay la daawanayaan kubadda cagta.

  3. Iiraan iyo Mareykanka oo ay wadahadallo ugu bilowdeen magaalada Roma

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Rome uu ka bilowday wareegii shanaad ee wadahadalka u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka si ay isugu dayaan in heshiis laga gaaro barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.

    Intii lagu guda jiray wada xaajoodyadii socday ilaa bishii Abriil, Maraykanku wuxuu ku adkaystay in Iran ay meesha ka saarto barnaamijkeeda xoojinta yuraaniyaamka si looga hortago in waddanku yeesho hubka nukliyeerka - haddii kale ay wajahdo tallaabo milatari oo suurtagal ah.

    Ha yeeshe Tehran ayaa beenisay in ay ujeedkaas leedahay, waxayna sheegtay in hawlaheeda nukliyeerka ay gabi ahaanba amaan yihiin.

    Iran ayaa rajaynaysa in heshiisku uu meesha ka saaro cunaqabataynta halista ah ee lagu soo rogay dhaqaalaheeda.

    Weftiga Mareykanka waxaa mar kale hogaamin doona ergeyga madaxweyne Trump, Steve Witkoff, iyadoo dhanka Iran uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi.

  4. Maxaa soo cusbooneeysiiyay dagaalka Al-Shabaab iyo macwiisleyda?

    .

    Xigashada Sawirka, YOUTUBE

    Qoraalka sawirka, .

    Muddooyinkii la soo dhaafay waxa dib u soo xoogaysanaya dagaallada u dhaxeeya Alsahabaab iyo ciidammada qaabka qabaa’ilka u abaabulan ee Macawisleyda loo yaqaanno.

    Ma aha markii ugu horraysay ee dagaallo lagu riiqday ay ka dhacaan deegaannada u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si gaar ah saddexdii sano ee la soo dhaafay ay dawladdu ka wadday hawlgal ciidan oo ka dhan ah Alshabaab.

    Waxa xusid mudan in ay jiraan deegaanno hore ay u qabsadeen ciidanka dawladda oo garab ka helaya kuwa beelaha ee hubaysan, ha se ahaatee, dib looga baxay kuwaasi oo hadda gacanta ugu jira xoogagga Alshabaab.

    Dadka qaar oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa qaba in caqabadadaha hor taagan horu-socosho ay ciidammadu sameeyaan ay qayb weyn ka tahay qaabka dawladdu u maamushay hawlgallada. Waxa muuqata in qorshaha dagaalka ka socda deegaannada ay wadaagaan Hiiraan iyo Sahbeellaha Dhexe uu daba dheeraaday. Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa qaba aragtida iyo hannaanka lagu wajahayo dagaalku ay waxa badan ka qaldameen. Axmed Cabdullaahi Kaboole) oo ah falanqeeye arrimaha amniga ayaa ka mid ah dadka aragtidan qaba.

    “Waxa jira dib u dhac ku yimid dardartii dagaalku u uku bilowday 2022-kii. Wa hubaal ah in hore awoodda Alshabaab waa la wiiqay. Laakiin dawladdu ka ma war bixin hawlgalka.

    Ciidammo ay ku jiraan rag qaali ah ayaa qaraxyo ku dhintay. Markii dagaal la qaadayo waxa loo baahan yahay in la gorfeeyo qaabka loo wajahayo iyo sida ahwasha oo fulinayo. Qorshaha iyo dagaalka waxa horreeyay qorshaha.”

    Geestiisa, xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cismaan (Guery) oo tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaya in dawladdu ay ka gaabisay garab istaagga ciidammada abaabulan ee beelaha. “Waxaan aamminsan ahay in Alshabaab si buuxda loo la diray, islamarkaana dadaal badan la geliyay. Laakiin hadda waxa muuqata in meelo badan oo ay ka mid tahay Aadan Yabaal la soo banneeyay. Waxaanan aamminsan nahay in dawladdu aanay gebi ahaan wakhti xaadirkan wadin dagaal ka dhan ah Alshabaab. Waxa Meesha ka maqan kaalintii ciidanka dawladda,” ayaa uu yidhi.

    Tobaneeyo sano ayaa laga joogaa markii ciidammo qaab qabiil u dagaallamaya ay dagaal kala hor yimaaddeen Alshabaab, waxa se muuqata in ay dhaceen caqabado sababay in hawlgalku hore u socdo.

    Cumar Xaashi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in mustaqbalka Macawiseyda ay laga ma maarmaan u tahay midnimada iyo aragti siyaasadeed oo midaysan iyo qorshe cad loo sameeyo ciidanka macawisleyda.

  5. Ma Eey baa mise waa nin?

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    “Tani waa waxa aan ka helo, waanan sii wadi doonaa maxaa yeelay waxa ay iga dhigaysaa qof faraxsan aniga iyo dadka kaleba’ ayuu yidhi ninkan Japanese-ka ah ee ku qarash gareeyey lacagta ku dhaw 20 - ka kun ee dollar sidii uu u noqon lahaa ey sida ay baahisay warbaahinta wararka ee lagu magacaabo Euro News.

    Ninkan aya soo baahiyey markii u horraysay muuqaal uu ku baahinayo isaga oo lugeynaysa bal muuqaal ahaan u eeg eyga oo kale.

    Tallaabadan halista badan uu ninkan oo magaciisa lagu sheegay Toco, waana Jabbaaniis isticmaala barta youtube-ka.

    Si uu gaadho hankiisii aan caadiga ahayn ee ahaa in uu u ekaado ey waxa uu ka helay oo iibsday hu’ heer sare ah oo farshaxan ahaan u eeg eyga taas oo ay sameeyeen shirkadda Jabbaaniiska ah ee lagu magaacbo Zeppet.Z.

    Muuqaalkiisii ugu dambeeyay ayaa ahaa isaga oo markii ugu horreysay u soo baxay meelaha bulshada isugu timaaddo ee fagaarayaasha ah, oo ku soo faafiyey bartiisa Youtube-ka waxaa uu helay oo daawaday ku dhawaad 7 milyan o qof.

  6. War deg deg ah, Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuuro ku soo rogayo badeecadaha EU iyo iPhoneska

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu "ku talinayo" in canshuur 50% ah lagu soo rogo badeecadaha Midowga Yurub ee loo soo dhoofiyo Mareykanka.

    "Wadahadaladayada aan iyaga la yeelanayno meelna uma socdaan!", ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada Jimcihaha maanta.

    Ku dhawaaqistan ayaa muujineysa inuu sii xoogeystay dagaalka ganacsi ee Trump ee ka dhanka ah Midowga Yurub, kaasoo horey loogu soo rogay canshuur dhan 20% dhammaan badeecadaha Mareykanka uu u dhoofiyo Midowgu.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu ku soo rogi doono 25% canshuur ah iPhone-yada aan lagu soo saarin Mareykanka.

  7. Xaaladda koonfurta Sudan oo laga deyrinayo

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa ka digtay xaaladda ka sii dareysa ee Koonfurta Suudaan, kaddib markii ay sii xooggeysatay colaadda u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad kala duwan.

    Volker Turk ayaa sheegay in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay ilaaliyaan heshiiskii nabada ee la saxiixay 2018-kii.

    Hay’adda samafalka ee MSF ayaa sheegtay in ay khatar caafimaad darro ka jirto magaalada Mattar ee dalka Itoobiya, halkaas oo ilaa 85 kun oo qaxooti ah ay ka soo carareen dagaallo culus oo ka socda Koonfurta Suudaan.

  8. Maxay tahay sababta dadka doobabka ah ay u shiiraan?

    .

    Xigashada Sawirka, Michal Bialozej)

    Qoraalka sawirka, .

    Shiirka kasoo baxa jirkeena wuxuu faahfaahin ka bixin karaa xaaladda caafimaadka ee qofka, sida ogaanshaha cudurrada, tusaale ahaan qofka haddii uu carabkiisa ka dareemo macaan waxaa laga yaabaa in uu hayo daacuun calooleed halka qofka qabo cudurka macaanka uu urin karo sida tufaax quruntay.

    "Shiirka wuxuu sidoo kale daaha ka qaadi karaa macluumaadka ku saabsan cuntadeenna," ayuu yiri Mehmet Mahmut,oo ku takhasusay cilmi-nafsiga, udgoonka iyo shiirta kana tirsan Jaamacadda Macquarie, ee Australia.

    "Waxaa jira dhowr daraasadood oo tilmaamaya arrintani oo is burinaya, laakiin kooxdaydu waxay ogaatay in hilibka badan oo aad u isticmaashid ay ka dhigan tahay in aad u shiirto"

    Ragga waxay shiirta haweenka u arkaan mid udgoon oo soo jiidasho leh xilligga ay ku gudo jirto wareegga caadada, waana xilligga ay u badan tahay inay uur yeelato.

    Waxaa arrintani laga yaabaa inay caawin jirtay dadkii hore si ay u ogadaan haweenka taranka badan, sida uu soo jeediyay qoraaga

  9. War deg deg ah, In ka badan boqol gaari oo wada gargaar oo gaaray Qasa iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Gaari taagan Marinka koonfur-bari Qasa ee Kerem Shalom.

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Gaari taagan Marinka koonfur-bari Qasa ee Kerem Shalom.

    Laamaha milatari ee mas’uulka ka ah isku-dubaridka sahayda Qasa ayaa soo saaray warbixin ku saabsan gargaarka la geeyay Dhulkaas.

    Kooxda Isku-duwidda Hawlaha Dowladda ee Dhulka La Haysto ayaa sheegay in "107 gaari oo ay QM iyo beesha caalamku leeyihiin isla markaana sida gargaar bini’aadantinimo " ay shalay galeen Marinka Qasa iyaga oo ka gudbay isgoyska koonfur-bari ee Kerem Shalom.

    Qaramada Midoobay weli ma aysan xaqiijin in gargaarkaasi uu gaaray dadka ku sugan Qasa.

    Warbixinta kooxdu soo saartay waxay intaas ku dartay: "Waxaan sii wadi doonnaa fududeynta gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa, annaga oo dadaal walba ku bixinayna in gargaarku uusan ku dhicin gacanta Xamaas."

    Israa’iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay leexsato sahayda, balse kooxdaasi way beenisay eeddaas.

  10. Faahfaahin ka soo baxaysa weerar diyaarado Ukraine leedahay ay ku qaadeen Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Guddoomiyaha gobolka Lipetsk ee dalka Ruushka ayaa sheegay in weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo Ukraine ay leedahay ay gaysteen dhaawaca dad gaaraya siddeed qof.

    Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qarax weyn, waxaana dadka deegaanka ee ku nool magaalada Yelets ay sheegeen inay arkeen diyaarado badan oo kusoo wajahan warshad soo saarta baytariyada.

    Guddoomiyaha gobolka, Igor Artamonov, ayaa sheegay in labaatan guri oo dabaqyo ah ay burbureen, inkastoo aysan jirin qof si xun u dhaawacmay.

    Horey ayuu Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, u sheegay in dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn la soo riday iyagoo kusoo dhowaaday caasimadda.

    Dhinaca kale, dhowr gobol oo ka tirsan Ukraine ayaa lagu soo rogay digniin cirka ah oo ku saabsan diyaaradihii weerarka Ruushka.

  11. Madaxweynihi hore ee Congo oo xassaanadiisii lagu haysto

    Joseph Kabila,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Joseph Kabila,

    Senatarada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ansixiyay codsi ka yimid dowladda oo ah in laga qaado Joseph Kabila, madaxweynihii hore, xasaanadda baarlamaanka, isla markaana lagu soo oogo dacwad khiyaano qaran ah.

    Dowladda ayaa ku eedeysay hoggaamiyihii hore inuu taageero siiyay fallaagada M23 ee ay Rwanda tagaeerto, kuwaas oo qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

    Kadib markii uu xilka ka dagay sanadkii 2019, Mr. Kabila waxaa loo magacaabay senatar sharafeed noloshiisa oo dhan, taasoo uu ku helay faa’iidooyin ay ka mid tahay xasaanad ka difaacaysa dacwad oogis.

    Lama oga halka uu hadda ku sugan yahay, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in maxkamadeyntiisu ay sii wiiqi karto xasilloonida DRC, maadaama uu weli haysto taageerayaal.

  12. Ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo dhaliilay dalal ka horyimid weerarka uu Qasa ku qaaday

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah xulafadiisa ugu dhow in ay la safteen Xamaas kadib markii ay dhaliileen sida Israa’iil

    Bayaan wadajir ah oo ay horaantii toddobaadkan soo saareen Ingiriiska, Faransiiska iyo Kanada ayaa lagu sheegay in howlgallada milatari ee Israa’iil ka waddo Qasa ay yihiin kuwo aan miisaaneysnayn, ayna tahay wax laga xumaado oo aan la aqbali karin in shacabka rayidka ah laga hor istaago gargaar bini’aadantinimo oo muhiim ah.

    Mr. Netanyahu ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha saddexdaas dal inay doonayaan in Xamaas ay sii haysato awoodda, wuxuuna sheegay in bayaankooda uu dhiirrigelin u noqday kooxdaas.

    Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa wajahaya dhaleecayn isa soo taraysa gudaha dalka iyo dibaddaba, taasoo ku saabsan dagaalka ka socda Qasa iyo xayiraadda adag ee Israa’iil saartay gargaarka la geeyo dhulkaas.

  13. Iran iyo Mareykanka oo markii shanaad maanta ka wadahadlaya barnaamijka Nukliyeerka

    Nukliyeerka Tehran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Nukliyeerka Tehran

    Wareeggii shanaad ee wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka si ay heshiis uga gaaraan barnaamijka nukliyeerka Tehran ayaa lagu wadaa in uu ka bilowda magaalada Rome gelinka dambe jimcaha maanta ah. Wadahadalladani waxay socdeen tan iyo bishii Abriil, iyadoo dalka Gacanka ku yaalla ee Cumaan uu kaalin dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay.

    Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran ay gabi ahaanba joojiso barnaamijkeeda uranium-ka si looga hortago in ay soo saarto hub nukliyeer ah – haddii kale, waxay wajihi kartaa tallaabo ciidan.

    Tehran ayaa beenisay inay higsanayso in ay samaysato hub nukliyeer ah, waxayna sheegtay in dhammaan howlaha nukliyeerka ee ay waddo ay yihiin kuwo nabadeed.

    Wafdiga Mareykanka waxaa markale hoggaaminaya ergayga Madaxweyne Trump, Steve Witkoff, halka wafdiga Iran uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abbas Araghchi.

  14. Nin loo haysto dilka shaqaale ka tirsanaa safaaradda Israa'iil ee Mareykanka oo dacwad lagu soo oogay

    Xeer-ilaalintu waxay sheegeen in ay baarayaan weerarka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xeer-ilaalintu waxay sheegeen in ay baarayaan weerarka

    NinkA looga shakisan yahay dilka laba shaqaale ah oo ka tirsanaa safaaradda Israa’iil ee Washington DC ayaa Arbacadii lagu soo oogay dacwad ah dil heerkiisu yahay darajada koowaad. Sarah Lynn Milgrim iyo Yaron Lischinsky ayaa la toogtay iyaga oo ka baxayay Matxaf Israa’’iiliyiintu leeyihiin oo ku yaalla caasimadda Mareykanka ee Washington DC.

    Elias Rodriguez, oo 31 jir ah, ayaa lagu qabtay goobta falku ka dhacay. Booliiska ayaa sheegay in uu ku qayliyay "Xoreeya Falastiin" ka hor inta aan la xirin.

    Xeer-ilaalintu waxay sheegeen in ay baarayaan weerarka iyagoo u arka fal nacayb iyo argagixisanimo ah, isla markaana la filayo in dacwado dheeri ah lagu soo oogo.

  15. Gawaari sidda mucaawino oo Qasa gaartay

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qasa

    In ka badan 90 gaari xamuul ah oo gargaar bini’aadantinimo wadda ayaa ku sugan Marinka Qasa, ayadoo halkaas ay ku sugan yihiin kooxo Qaramada Midoobay ka socda, saddex maalmood kadib markii Israa’iil ay fududeysay xayiraad socotay 11 toddobaad.

    Gargaarka oo ka kooban bur, cuntada carruurta iyo qalab caafimaad ayaa laga soo qaaday isgoyska Kerem Shalom habeenkii Arbacada, waxaana loo gudbiyay bakhaarro loogu talagalay in dadka loogu qaybiyo.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dib u dhaca ku yimid gargaarka ay sabab u tahay amni la’aanta ka jirta waddada kaliya ee ay Israa’iil ogolaatay in la marsiiyo gawaarida gargaarka sidda.

    Mas’uuliyiinta Israa’iil waxay sheegeen inay ogolaadeen 100 gaari oo oo dheeri ah oo xamuul ah inay ka gudbaan isgoyska Kerem Shalom Arbacadii.

    Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gargaarkaan aanu wax badan ka badeleyn baahida aadka u baaxadda weyn ee ka jirta Qasa.