Hammiga tababarahan indhaha la' ee reer Tanzaniya "maqalkayga iyo dareenkayga ayaa aad u xoog badan"

- Author, Alfred Lasteck
- Role, Weriye BBC Africa
Priver Ngonyani waa tababare kubbada cagta, waxaa uu qabaa baahiyaha gaarka, waa indhoole jecel in uu layliyo kooxaha kubbada cagta. Waxaa uu adeegsadaa qayb kale oo ka mid ah Lixaadkiisa si uu u kala maamulo cayaartoyda.
''Dadku ma aaminsana in aan awoodo tababaridda kubadda cagta, sababta oo ah anigu waxba ma arko. Taasi way igu adag tahay, laakin ka tababare kubbada cagta ahaan waxa ay taasi i siisaa fursad ah in aan kalsooni dheeraad ah yeesho'' ayuu yiri Priver.
BBC ayaa gaartay garoonka Frenchman stadium ee degmada Songea ee Koonfurta Tansaaniya. Waxaa la maqlayaa codadka ciyaartooyda, iyaga oo inta badan dhallinyaradu ka hadlayaan kubbada, waxaa ay raacayaan amarrada iyo talooyinka uu bixinayo tababarahooda.
Laakiin xaalkan ayaa ah mid dad badan ku cusub, waxaan arkaynaa tababare Priver oo shaqadiisa ka wata dhinacyada xayndaabka ay ciyaartu ka socoto.
Tababaraha aragti ahaan waa mid xaalkiisu adag yahay, laakiin waxa uu aaminsan yahay in dhegahiisu u yihiin indhihiisa. Waxaa uu maqlayaa dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameynayaan ciyaartooydiisa, taabasho kasta oo ciyaarta iyo fursad kasta oo ka dhex dhacaysa gudaha garoonka.
Waxaa inta badan la arkaa inuu si dhow u dhagaysanayo iyada oo maskaxdiisu soo qabanayso khariidada garoonka, inkasta oo indhihiisa uusan ku arki karin kubbada cagta.
Waxaa uu sheegay inuu aqoonsan karo kan sida wanaagsan u ciyaaraya iyo kan aan gaarin waajibaadkiisa.
''Anigu wax ma arko, laakiin dhagahayga iyo dareemahayga ayaa ah kuwo xooggan oo i caawinaya. Waxaa ay iga dhigtaa mid garanaya kan sida wanaagsan u ciyaaraya iyo kan sida xun u dheelaya'' ayuu yiri tababare Priver.
Maxaa ku dhiiragaliyey tababarnimada kubbada cagta?
Tababaraha ayaa sheegay in dhallinyarada badan ee waddooyinka fadhiya iyo kuwa sameynaya ficillada aan wanaagsanayn sida cabidda khamriga iyo sigaarka uu ku helay inuu sameeyo wax ka caawinaya in uu ka dheeraado waxyaabo badan oo aan wanaagsanayn.
Waxaa uu sheegay 27 jirkan ku dhashay cuuryaanimada aragga in uu kaga faham fiican yahay tababarida kubbada cagta kuwa badan oo dhigiisa ah oo wax arkaya.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu aad u jeclaa dhagaysiga falanqaynaha ciyaaraha ee raadiyaha, halkaasina uu ka bartay farsamooyin badan oo kala duwan oo kubbada cagta.
Markii uu bilaabay inuu shaaciyo doonitaankiisa tababaranimo wuxuu sheegay inay kuwo badan ku qosleen, iyaga oo su'aalo ka weydiiyay araggiisa, waxaana Priver uu ku sheegay caqabadaha aragg la'aanta in aysan sabab u noqon karin inay ka hor istaagaan himilooyinka uu hiigsanayo.

Maxay tahay xirfadiisa?
Tababarahan ayaa xirfaddiisu waxay tahay saxafinimo, laakiin weligiis shaqo ugama helin xarumaha warbaahinta.
''Waxaan bartay saxaafadda oo aan ka qaatay diploma, welina iyada oo sanado badan ay ka soo wareegeen shaqo kuma helin. Hadda qaar ayaan nagu aaminin cuuryaanimada, xataa haddii aad u dirto wax uu aamino, kuma aaminayo, haddii aad tustana kuma rumaysanayo. Caqabadaha aan wajahayo waa badan yihiin, waana qayb kamid ah nolosha'' ayuu yiri Priver.
Iyada oo 10 sano maraysa, tababare Ngonyani waxaa uu ku taagan yahay ka go'naanshaha hogaaminta kooxda 46-ka ragga ah ka kooban ee kooxda Frenchman City FC. Waxaa qaybta sare ee kooxda u gudubtay 24, halka inta soo hartay ay yihiin kuwa yaryar.
Dhishibiliinkiisa u gaarka ah
Iyada oo ay jiraan caqabadihiisa u gaarka, ciyaartooyda ayaa u sheegay BBC inay xushmeeyaan, ayna si taxadar leh u raacaan awaamirtiisa.
Benedict Mindi oo ah tababare xigeenka Frenchman City Fc ayaa sheegay inay gaareen guulo waaweyn labadii sano ee uu ku xigeenka u ahaa. Waxaa uu sheegay inuu mar kasta jecel yahay inuu go'aan qaato isaga oo mararka qaar diida isbedel uu sameeyo haddii uu u arko mid aan ku haboonayn.
Kabtanka kooxda Rogatus Mbawala ayaa Priver ku tilmaamay mid u keenay kooxda dhishibiliin badan oo sababay guulo badan oo u soo hoyay kooxda. Waxaa uu intaa ku daray inay raacaan jihayntiisa, aysanna iyagu cuuryaanimadiisa u adeegsan sabab ay u diidaan amaradiisa.
Fakhriga sii daba dheeraada ayaa dhib ku ah bulshada
Marka laga soo tago garoonka, Ngonyani waxaa uu wajahaa caqabado badan, sida uu sheegay. Tanzaaniya, sida dalalka kale, dadka cuuryaamada waa kuwo dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba ka takooran.
Sida laga soo xigtay midowga caalamiga ee ka hortagga cuuryaanimada aragga, waxaa dalka Tanzaaniya ku nool 290,000 oo qof oo indhoolayaal ah.
Ngonyani ayaa sheegay in kubbada cagta ay siisay goob uu ku soo bandhigi karo inuu ku caddeeyo awooddiisa in aan lagu cabbirin indhihiisa, laakiinse lagu cabbiro qalbiga iyo maskaxda.
''Ciyaartooydayda way i aaminsan yihiin, waana raacaan hogaankayga. Marka ay I arkaan ma arkaan indho la'aanta, laakiinse waxa ay arkaan tababare, aniguna waxaan ahay tababare sida qof kasta oo kale'' ayuu yiri Priver.
Priver ayaa sheegay kooxdiisu ay wajahayso caqabado dhaqaale, badanaana ay ku tiirsan yihiin, deeqaha shakhsi ahaaneed. '' si aan u helno qalabka tababarka, waynu shaqeynaa si aan lacag u ururino, mararka qaar waxaynu ka shaqeynaa beeraha dadka si aan uga helno lacago aan ku iibsano dharka ciyaarta iyo kubbadahaba.
Waalidka Priver ayaa ku faraxsan shaqadiisa, Aabihiis Titus Ngonyani ayaa ku faanaya heerka uu gaaray wiilkiisa.
''Dadku waxaa ay la cajabeen waxa uu yahay Priver iyo waxa uu qabto. Caannimadiisa ayaa u keentay inuu baro iyaga kubbada cagta, mana aha hibo gaar ah oo uu leeyahay, waan ku faanaynaa'' ayuu yiri Titus.
Maxay yihiin Riyooyinkiisa?
Ngonyani ayaa ku riyoonaya mustaqbalka inuu tababaro koox weyn oo ka dhisan dalka Tanzaaniya.
''Haddii ay i siiyaan fursad iyo taageero, waxaad arki doontaan aniga oo wax weyn sameynaya, waana fursad dahabi oo in badan aysan arkin, laakiin waxa imaanaysa maalin ay muhiimadayda ka arkayaan mustaqbalka.'' Ayuu yiri Ngonyani.
Dhankooda , xiriirka kubbada cagta Tanzaaniya (TFF) ayaa sheegay inay taageero siiyaan dadka baahiyaha gaarka qaba si ay u gaaraan riyooyinkooda kubbada cagta.
TFF ayaa leh nidaam ay ku tababaraan hoggaanada kooxaha iyaga oo siiya taageero dhanka qalabka oo ay gaarsiiyaan kooxaha raga iyo dumarka ee qaba baahiyaha gaarka ee muuqda.
Agaasimaha farsamada ee xiriirka kubbada cagta Tanzaaniya, Oscar Mirambo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin caawinta qof walba oo ay ku jiraan tababarayaasha, isaga oo xusay kubbada cagta inay tahay ciyaarta qof walba.